Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa qirtay in uu “ka murugooday” markii Declan Rice uu ka tagay West Ham United kuna biiray Arsenal.
Rice ayaa noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa taariikhda Arsenal kadib markii kooxda ay kula heshiisay £105 milyan sanadkii 2023.
Khadka dhexe ee England ayaa tan iyo markaas noqday mid kamid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda Mikel Arteta.
Ka hor inta uusan ka tagin West Ham, Rice waxaa doonayay Manchester United iyo Manchester City, kuwaas oo si weyn loola xiriirinayay.
“Dabcan, horay ayaan uga aqaanay West Ham, dhammaanteenna waan ogayn tayada uu leeyahay, mar walbana waxaan iri waxaan u arkayay Rice inuu yahay ciyaaryahan u ciyaari kara Manchester United,” ayuu Fernandes ku yiri JoelBeya TV.
“Runtii waan ka murugooday markii uu doortay Arsenal. Ma garanayo haddii ay jirtay fursad uu ugu imaan karo Manchester United, laakiin mar walba waxaan aaminsanaa inuu si fiican ugu habboonaan lahaa kooxdeena.”
Be the first to comment