Xiddiga Manchester City, Bernardo Silva, ayaa sheegay laba sababood oo waaweyn oo saameeyay tartankii kooxdiisa ee hanashada Premier League xilli ciyaareedkan.
Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa qirtay in City ay ku guuleysan lahayd horyaalka haddii kooxda Pep Guardiola aysan ku jirin marxalad isbeddel ah (transitional season) islamarkaana aysan samayn khaladaad badan.
“Waxaan aaminsanahay in kooxdayada ugu weyn ee nala tartamaysay ay ahayd Liverpool,” ayuu Silva ku yiri wareysi uu siiyay The Athletic.
“Waan ogahay haddii aynaan ku jirin xilli isbeddel ah oo aynaan samayn khaladaad badan, inaan ku guuleysan lahayn horyaalkaan.”
“Ma dhahayo si fudud ayaan ku qaadi lahayn, laakiin waan ku guuleysan lahayn horyaalkaan. Sidaas darteed aad ayay u niyad jab badan tahay.”
Manchester City ayaa hadda labo dhibcood ka dambeysa Arsenal kala sarreynta Premier League, iyadoo labo kulan oo kaliya ay ka harsan yihiin dhammaadka xilli ciyaareedka.
Be the first to comment