Kooxda Barcelona, oo uu hoggaaminayo tababare Hansi Flick, ayaa maanta oo Axad ah ciyaar saaxiibtinimo la ciyaaraysa kooxda Basel ee Switzerland, taasoo qayb ka ah diyaar-garowga xilli-ciyaareedka cusub ee 2026/27.
Ciyaarta waxaa lagu qabanayaa garoonka St. Jakob-Park ee dalka Switzerland.
Barcelona ayaa xagaagan hore u ciyaartay dhowr kulan oo saaxiibtinimo ah, kuwaas oo ay la kulantay Europa, Birmingham City, Nottingham Forest iyo Udinese.
Waqtiga ciyaarta
Kulanka Barcelona iyo Basel wuxuu bilaabanayaa:
- Sacuudiga: 5:30 galabnimo
- Somalia : 5:30 galabnimo
Halkee laga daawan karaa?
Barcelona ayaa sheegtay in kulanka si toos ah looga daawan karo kanaaladooda rasmiga ah ee Spain, gaar ahaan dadka iska diiwaangeliyay adeegga Culers Premium.
Sidoo kale, ciyaarta waxaa laga daawan karaa kanaalka rasmiga ah ee Barcelona ee YouTube, balse waxaa loo baahan yahay YouTube Premium.
Kulanka xiga ee Barcelona
Barcelona waxay kulankan kadib Arbacada soo socota la ciyaari doontaa Al Ahly ee Masar, kulan ka tirsan Joan Gamper Trophy, ka hor inta aysan bilaabin xilli-ciyaareedka cusub ee La Liga.
Be the first to comment