Liverpool vs Como – Wax walbo oo aad uga baahantahay Waqtiga iyo kanaalka ciyaarta aad ka daawan karto

Kooxda Liverpool ee England ayaa caawa Axadda kulan saaxiibtinimo la ciyaaraysa Como oo ka dhisan Talyaaniga, iyadoo labada kooxood ay isku diyaarinayaan xilli-ciyaareedka cusub ee 2026/2027.

Liverpool waxaa tababare u ah Andoni Iraola, kaasoo kooxda qabtay kadib markii shaqada laga qaaday tababarihii hore Arne Slot, sababo la xiriira hoos u dhac ku yimid natiijooyinka xilli-ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa kulamadii diyaar-garowga hore:

  • 4–2 uga adkaatay Sunderland
  • 1–0 uga adkaatay Wrexham
  • 4–2 uga adkaatay Leeds
  • 3–2 looga adkaaday Monaco

 Waqtiga ciyaarta

Liverpool vs Como waxay bilaabanaysaa:

  •   Geeska Afrika  : 8:00 fiidnimo
  • Sacuudiga          : 8:00 fiidnimo

Waxaa sidoo kale jiri doona kulan kale oo Liverpool iyo Como ah oo bilaabanaya 1:30 duhurnimo, balse kulankaas wuxuu noqonayaa albaabadu xiran yihiin (behind closed doors), lamana baahin doono.

 Kanaalka baahinaya

Kulanka weyn ee Liverpool vs Como waxaa si toos ah u baahinaya:

ON Sport Plus

Liverpool waxay Axadda 23-ka Agoosto bilaabi doontaa ololaheeda cusub ee Premier League, iyadoo la ciyaaraysa Newcastle United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga