Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay hoggaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa Jack Hinshelwood, oo ah 21-jir khadka dhexe uga ciyaara Brighton iyo xulka England U21, Arsenal ayaa ciyaaryahanka ka dhigtay mid ka mid ah bartilmaameedyadeeda muhiimka ah ka hor xilli ciyaareedka 2026/27.
Arsenal ayaa horey xiriir toos ah ula sameysay wakiillada Hinshelwood, waxaana kooxda tababare Mikel Arteta ay diyaarinaysaa dalab rasmi ah, Arteta ayaa la aaminsan yahay inuu aad u qiimeeyo ciyaaryahanka, gaar ahaan sababtoo ah wuxuu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro khadka dhexe, defensive midfield-ka iyo labada garab ee daafaca.
Laakiin Arsenal kaligeed kuma jirto tartanka, Manchester United ayaa muddo dheer xiisaynaysay Hinshelwood, waxaana ay Brighton horey u weydiisay xaaladdiisa iyo suuragalnimada in la iibiyo. United ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay maalmaha soo socda tallaabo rasmi ah qaaddo si ay Arsenal ula tartanto.
Dhanka kale, Manchester City ayaa sidoo kale isha ku haysa ciyaaryahanka, waxaana la fahamsan yahay inay ka fiirsanayso inay tartanka ku soo biirto.
Brighton waxay jeclaan lahayd inay sii haysato ciyaaryahankeeda kasoo baxay academy-ga, balse xaaladda ayaa is beddeli karta haddii dalab ku dhow £43 milyan ilaa £51 milyan miiska la soo saaro, Qiimahaas ayaa la rumeysan yahay inuu Brighton ku qancin karo inay wada-hadallo dhab ah bilowdo.
Hinshelwood wuxuu weli saddex sano uga harsan yahay qandaraaskiisa Brighton, taasoo kooxda siinaysa awood xooggan oo ay ku gorgortanto, Tan iyo markii uu kooxda koowaad kusoo biiray 2023, wuxuu sameeyay 79 kulan oo heerka koowaad ah.
Sidaas darteed, Arsenal ayaa hadda safka hore kaga jirta tartanka, laakiin Manchester United iyo Manchester City ayaa diyaar u ah inay dagaalka kusoo biiraan, Haddii Arsenal ay si rasmi ah u gudbiso dalabka ku dhow £51 milyan, waxaa suuragal ah in mustaqbalka Hinshelwood uu noqdo mid ka mid ah sheekooyinka waaweyn ee suuqa kala iibsiga xagaagan.
Be the first to comment