Harry Kane Oo Ka Fal Celiyay Kadib Markii Uu Arsenal Ka Reebay Champions League.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Harry Kane ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Arsenal.

Bayern Munich ayaa Arsenal ku garaacday 1/0 kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee 8 dhamaadka champions League.

“Guul aan la rumaysan karin,” ayuu yiri Harry Kane oo aad u faraxsan wareysigiisii ​​ciyaarta ka dib

“Waxa ay noo ahayd xilli adag, waxa ay ahayd in aanu dagaalanno oo aanu shiidno mararka qaar”.

“Waan ogeyn inaan farqi ku sameyn karno taageerayaasheenna guriga, wuxuu ahaa kulan adag, kulan cidhiidhi ah, wuxuu ahaa gool weyn oo uu dhaliyay Josh [Kimich]”.

“Inaan gaarno semi-finalka [Champions League] waxay noo tahay guul weyn, waana ku raaxaysan karnaa, waxaan qabaa in kulamada noocaan ah qeybta hore ay mar walba mid adag”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga