Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka David Raya

Kooxda Arsenal ayaa si toos ah ula wareegi doonta Goolhaye David Raya ka hor inta uusan bilaaban Euro 2024, ka dib xilli ciyaareed adag oo uu la qaatay Gunners.

David Raya ayaa la filayaa in lagu daro xulka Spain ee ka qeyb galaya koobka qaramada Yurub, inkastoo uusan aheyn dooqa koowaad ee Spain, hadana wuxuu cadeeyay booskiisa kooxda reer London.

Way caddahay in David Raya uu noqon doono lambarka 1-aad ee Arsenal sannadaha soo socda, ka dib markii uu amaah uga soo wareegay kooxda Brentford.

Heshiiska joogtada ah ee David Raya ee Emirates Stadium ayaa ah mid horeba loo sii saadaalinayay, sida laga soo xigtay hadaladii ugu dambeeyay ee Fabrizio Romano, xaalada ayaa horeba labada kooxood ugu heshiiyeen in Raya uu si joogto ah ugu biiro Arsenal.

Raya ayaa shabaqiisa ilaashaday 14 kulan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay in ay u tartamayso horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga