
Pep Guardiola ayaa sheegay in aysan ‘suurtagal ahayn’ in Manchester City ay bar-barayso farqiga goolasha ee kooxda Arsenal tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Tartanka horyaalka ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo la galay 2-dii kulan ee uGu dambaysay horyaalka.
Arsenal ayaa haatan hal dhibic ka saraysa Man City tartanka horyaalka xilli ay Man City hal kulan baaqi u haysato.
Haddii City ay barbaro gasho mid ka mid ah kulamadaas, Arsenal-na ay badiso labada kulan ee u haray Manchester United iyo Everton, waxay xaqiijin doontaa in koobku aadi doono waqooyiga London.
Farqiga goolasha ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaari kara kooxda ku guulaysan doonta horyaalka hadii ay labada kooxood bar-baro noqdaan dhibcaha iyada oo ay City 6 gool ka hoosayso kooxda Arsenal.
Isagoo hadlayay ka dib guushii ay ka gaareen Wolves, Guardiola ayaa qirtay in soo yaraynta farqiga goolasha ay tahay mid aan suurtagal ahayn.
Mar la waydiiyay hadii goolashu iman karaan kulamada ka dhimana xilli ciyaareedka ayuu yidhi “Haa, dabcan”.
“Waa inaan ku badinaa Fulham oo la ciyaari doono wakhti hore oo ah in la ciyaaro sidoo kale waa in aan badino kulanka Tottenham kaas oo sidoo kale ah mid adag”.
“Sababta oo farqiga goolasha macquul ma ahan in aan soo yarayno, qaabka ay Arsenal u ciyaarayso tan ilaa kadib bishii January waxa ay ahaayeen kuwo joogto u dhaliya goolasha”.
Be the first to comment