
Tababaraha Liverpool Arne Slot iyo goolhaye Alisson Becker ayaa labaduba awood u leh inay taariikhChampions League ka dhigaan Paris Saint-Germain.
Reds ayaa shaqo cajiib ah qabatay kadib markii ay PSG ku garaacday garoonkeeda todobaadkii hore.
Elliott wuxuu ahaa mid ka mid ah labada geesiyaal ee Liverpool fiidnimadii, iyadoo Alisson uu jabiyay rikoorkiisa gaarka ah ee badbaadinta ugu badan ee ciyaar Liverpool ah, isagoo sameeyay sagaal joogsi oo aad u qurux badan.
Haddii Alisson uu afar jeer ama in ka badan badbaadin sameeyo isla markaas kooxdiisu ilaashato shabaqa waxa uu dhigi doonaa rikoodh cusub – tan iyo markii la helay xogtii 2003-dii – badbaadintii ugu badnayd ee labadii lugood kulamada bug bax champion league isla markaas aan wax gool ah Laga dhalin.
Badbaadinta ugu badan ee uu Goolhaye sameeyay laba Kulan oo champions League ah ayaa ah 12 waxana sameeyay Goolhaye Gianluigi Buffon.
Haddii Slot uu ku hogaamiyo kooxda guul kale waxa uu noqon doono tababarihii ugu horeeyay ee guul ku hogaamiya koox premier league ah 5-tiisii kulan ee ugu horaysay.
Be the first to comment