Ac Milan Oo Doonaysa Xiddig U Soo Ciyaaray Man United

Wargeyska Talyaaniga ka soo baxa ee “Gazzetta dello Sport” ayaa soo wariyay in maamulka Milan ay ka fikirayaan inay la soo saxiixdaan Sofiane Amrabat oo amaah ku qaatay Man United xilli ciyaareedkii hore.

Milan ayaa dooneysa inay lasoo wareegto ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah waxana ay bartilmaameed ka dhigteen xiddiga Monaco ee Youssef Fofana laakiin sidoo kale waxa ay isha ku hayaan Amrabat hadii ay ku fashilmaan saxiixa Fofana.

Wargayska ayaa tilmaamay in Milan ay u dhaqaaqi doonto in ay la soo saxiixato xiddiga reer Morocco ee Sofiane Amrabat kaas oo amaah ugu soo ciyaaray xilli ciyaareedkii hore Man United hadii uu fashilmo heshiiska Youssef Fofana.

Sofiane Amrabat ayaa ku fashilmay amaahdii uu ku joogay kooxda Man United isaga oo aan u ciyaarin kooxda kulamo badan xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga