Xiddigii hore ee England, Paul Merson, ayaa ku adkeystay in Manchester City aysan ku guuleysan doonin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
City ayaa fasaxa xulalka aadaya iyadoo saddex dhibcood ku haysa hoggaanka horyaalka, Kooxda Enzo Maresca ayaa Axaddii 5-3 kaga adkaatay Sunderland, kadib markii Arsenal 3-0 looga adkaaday.
Si kastaba, Merson oo ka hadlayay Sky Sports ayaa sheegay in Arsenal ay weli tahay koox ka adag oo isku dheelitiran marka loo eego City.
“Arsenal si buuxda ayaa loo kala daadiyay, guuldarradana way u qalmeen, Waxaan is lahaa si fiican leh ayay horyaalka ugu guuleysan doonaan, kulamo badan ma lumin doonaan. Ma anigaa arrintaas ka qaldamay?
“Kadib waxaan arkay City oo la ciyaareysa Sunderland, waxaana is iri, ‘Maya’. Manchester City ma jirto fursad ay ugu guuleysan karto horyaalka.
“Dhanka weerarka, Manchester City way fiicaneyd, laakiin difaaca waxay ahayd koox meel walba kala daadisan, “Arrintaas ugu dambeyn way fashili doontaa, gaar ahaan marka ay la kulmaan kooxaha waaweyn.”
Be the first to comment