Madaxweynaha La Liga Tebas oo ka hadlay muranka garsoorka ee derby-ga madrid: “real madrid kuma aysan lumin goolasha ama dhacdooyinka garsoorka”

Madaxweynaha LaLiga, Javier Tebas, ayaa ka hadlay muranka weyn ee ka dhashay garsoorkii kulankii derby-ga Madrid ee dhex maray Atlético Madrid iyo Real Madrid, kaas oo ka tirsanaa toddobaadkii 7-aad ee horyaalka Spain xilli ciyaareedka 2026/2027.

Real Madrid ayaa kulankii ka dhacay garoonka Metropolitano looga adkaaday 2-1, waxaana ciyaarta kadib si weyn looga hadlay go’aamadii garsoorka iyo dhacdooyinkii muranka dhaliyay, Tebas ayaa sheegay inuu fahamsan yahay cabashooyinka laga qabo garsoorka, balse uu si cad u diiddan yahay habka cabashooyinka qaarkood loo soo bandhigay.

Wuxuu yiri:- “Waan fahmay cabashooyinka, laakiin marnaba ma aqbalayo habka loo muujiyay. Real Madrid kuma aysan lumin ciyaarta dhacdooyinkaas garsoorka.”

Tebas ayaa sidoo kale qiimeeyay dhacdooyinkii garsoorka ee muranka dhaliyay, isagoo si gaar ah uga hadlay kaarka cas ee la siiyay daafaca Real Madrid, Dean Huijsen, Madaxweynaha LaLiga ayaa sheegay in Huijsen uu si sax ah u qaatay kaarka cas, isagoo ku adkeystay in dhacdadaasi ay ahayd mid si cad u mudnayd in ciyaaryahanka garoonka laga saaro, Wuxuu yiri:“Kaarka cas, waxay ahayd xaalad si dhab ah u mudnayd in la bixiyo kaarka cas.”

Tebas ayaa sidoo kale laga weydiiyay dhacdadii dhex martay daafaca Atlético Madrid Christian Romero iyo xiddiga Real Madrid Jude Bellingham, Dhacdadaas, Romero ayaa galay Bellingham, waxaana jiray dood ku saabsan in tallaabadaasi ay mudnayd kaarka cas iyo in kale.

Tebas wuxuu sheegay inuusan u arkin inay ahayd kaar cas, isagoo xusay in Romero uu kubadda marka hore taabtay.

Wuxuu yiri:- “Dhacdada kale? Maya, ma ahayn kaar cas, sababtoo ah waxay ahayd wax cad inuu marka hore kubadda taabtay.”

Dhacdadii saddexaad ee muranka dhalisay waxay ahayd qalad uu ciyaaryahanka Atlético Madrid, Kang-in Lee, ku galay Federico Valverde, Ciyaaryahanka Kuuriyada Koonfureed ayaa cagtiisa ku dhuftay canqowga Valverde, iyadoo biraha kabtiisa ay si toos ah u gaareen ciyaaryahanka reer Uruguay.

Garsoore Ortiz Arias ayaa bixiyay laad xor ah, balse ma uusan siin Kang-in Lee wax kaar ah, halka VAR-na uusan faragelin dhacdada, Tebas ayaa qiray in dhacdadaas loo tixgelin karo kaar cas, isagoo sheegay in haddii garsooruhu bixiyay kaarka cas, aysan dad badan ka caban lahayn.

Si kastaba, wuxuu sheegay in dhacdadu si aad ah u degdeg ahayd, taasina ay sharxi karto sababta aan kaarka cas loo bixin, Wuxuu yiri:- “Waxaa loo qaadan karaa kaar cas, waana sidaas oo kale u muuqan kartaa. Haddii kaar cas la bixiyo, cidna kama caban lahayn. Laakiin haddii aan la bixin, ciyaartu waxay u dhacday si aad u degdeg ah, sidaas darteed waan fahmay sida ay wax u dhaceen.”

Tebas ayaa sidoo kale laga hadlay fariin uu Atlético Madrid ku daabacay baraha bulshada, taas oo kooxda ku baaqday in la joojiyo cadaadiska iyo weerarrada lagu hayo garsoorayaasha, Madaxweynaha LaLiga ayaa sheegay inuusan arkin qoraalka Atlético Madrid, balse uu xusay in LaLiga horey uga cabatay hab-dhaqanka kanaalka Real Madrid.

Wuxuu sidoo kale sheegay in kadib dhacdooyinkii derby-ga ay muhiim tahay in la ilaaliyo heerarka anshaxa, isagoo dhaliilay cadaadiska lagu saaro garsoorayaasha, Tebas wuxuu yiri:“Ma aanan arkin qoraalkaas, Hore ayaan cabasho uga gudbinay hab-dhaqanka kanaalka Real Madrid, Dhacdooyinkii shalay kadib, waa inaan ku adkeysannaa heerarka anshaxa, sababtoo ah tani waa hab aan caddaalad ahayn oo adag oo garsooraha cadaadis lagu saarayo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga