Arsenal ayaa guuldarro culus kala kulantay Brighton, kadib markii kooxda difaacanaysa horyaalka lagu garaacay 3-0 ciyaar ka dhacday Premier League Sabtidii, 19 September 2026.
Kooxda Mikel Arteta ayaa ciyaarta u timid iyadoo dooneysay inay gaarto 8 guulood oo xiriir ah bilowga xilli ciyaareedka, taasoo noqon lahayd bilowgii ugu fiicnaa taariikhda kooxda muddo 123 sano ah, Hase yeeshee, Brighton ayaa qorshahaas si weyn u burburisay.
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa qirtay in kooxdiisu ay si weyn uga hoos martay Brighton, “Waa natiijo iyo bandhig aad u niyad-jab badan. Amaanta oo dhan waxay mudan tahay Brighton.”
Arteta wuxuu sheegay in Brighton ay kaga fiicnaayeen Arsenal waxyaabihii aasaasiga ahaa, sida isku dhacyada, kubbadaha labaad iyo cadaadiska, Wuxuu sidoo kale qirtay in Arsenal ay si farsamo ahaan ah aad ugu liidatay markii ay kubadda haysatay qeybteeda, isagoo sheegay inay ahayd inay “ixtiraamaan ciyaarta iyo mabaadi’da ciyaarta”.
Arteta ayaa intaas ku daray: “Waa inaan hubinnaa inaan casharka ka baraneyno, sababtoo ah tani mar kale ma dhici doonto.”
Tababaraha Brighton, Fabian Hurzeler, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabkii ay kooxdiisu u ciyaartay.
Wuxuu sheegay in garaacista kooxda heysata horyaalka ay tahay wax gaar ah, balse waxa isaga ugu muhiimsanaa ay ahayd qaab ciyaareedka, isku duubnida iyo xawaaraha ay ciyaartoydiisu muujiyeen.
Hurzeler ayaa sheegay in Brighton ay u qalantay guusha, isagoo xusay in ciyaartoydu si heer sare ah uga shaqeeyeen isku dhacyada iyo waxyaabihii aasaasiga ahaa.
Guushani waxay Brighton siisay 3 dhibcood, waxaana kooxda Fabian Hurzeler ay u kacday kaalinta saddexaad, iyadoo hadda laba dhibcood oo kaliya ka dambeysa Arsenal.
Arsenal dhankeeda, tani waxay ahayd guuldarradii iyo dhibcihii ugu horreeyay ee ay lumiso xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment