Brighton ayaa guul weyn ka gaartay Arsenal, kadib markii ay 3-0 ku garaacday kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta, kulan ka tirsanaa wareegga shanaad ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/27.
Arsenal oo ah kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa marti u ahayd Brighton, balse kooxda martida loo ahaa ayaa ciyaarta si wanaagsan ku bilaabatay, iyadoo goolka furitaanka dhalisay daqiiqaddii 30-aad, markaas oo Pascal Groß uu Brighton u dhaliyay 1-0, Kahor inta aan la aadin qeybta nasashada, Charalampos Kostoulas ayaa daqiiqaddii 45-aad dhaliyay goolka labaad, taasoo Brighton ku hoggaamisay 2-0.
Qeybtii labaad, Brighton ayaa sii wadatay cadaadiska iyo maamulidda ciyaarta, waxaana daqiiqaddii 57-aad goolka saddexaad u dhaliyay Chema Andrés, isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-0, Arsenal ayaa awoodi weyday inay wax gool ah iska soo celiso, waxaana ugu dambeyn kulanku ku soo dhammaaday 3-0.
Guuldarradan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee Arsenal Premier League xilli ciyaareedkan, kadib markii ay badiyeen afartii kulan ee ugu horreeyay, Natiijada kadib, Arsenal ayaa weli leh 12 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta labaad, halka Brighton ay gaartay 10 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta saddexaad.
Be the first to comment