Lamine Yamal oo si cad ula hadlay Mbappe kuna yiri iska halmaan kubadda dahabka “Tan waa Teydii”

Xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal ayaa hadal uu siiyay Movistar kaga hadlay tartanka Ballon d’Or, isagoo si toos ah isu barbar dhigay Kylian Mbappé, Yamal ayaa sheegay in isaga iyo Mbappé ay yihiin labada ciyaaryahan ee ugu fiican adduunka, xitaa haddii xulka England uu ku guuleysan lahaa Koobka Adduunka. “Xitaa haddii England ay ku guuleysan lahayd Koobka Adduunka, weli waxaan dhihi lahaa Mbappé iyo aniga ayaa si cad u ah labada ciyaaryahan ee ugu fiican adduunka.”

Yamal ayaa sidoo kale tilmaamay in maadaama Mbappé uu u ciyaaro Real Madrid, isaga na uu Barcelona u ciyaaro, ay labada ciyaaryahan leeyihiin tartan toos ah:- “Mbappé wuxuu u ciyaaraa Real Madrid, aniguna Barça ayaan u ciyaaraa, sidaas darteed waxaan leenahay xafiiltan toos ah… waxaana isaga kaga sarreeyaa dhinaca koobabka.”

Markii wax laga weydiiyay cidda u qalanta Ballon d’Or-ka sanadkan, Yamal ayaa si kalsooni leh u sheegay:- “Haddii la yiraahdo yaa ah ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, waxaa laga yaabaa inaan aniga iyo Mbappé nahay labadaas, laakiin waxaan u maleynayaa inaan u qalmo Ballon d’Or-ka sanadkan.”

Hadalladan ayaa sii xoojinaya loollanka u dhexeeya Yamal iyo Mbappé, iyadoo labada xiddigood ay xilli ciyaareedkan ku tartamayaan abaalmarinta shaqsiga ugu weyn kubadda cagta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga