Zidane oo magacaabay Kabtanka cusub ee Xulka faransiiska Yuu doortay ?

Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa inuu Kylian Mbappé u doortay kabtanka xulka qaranka Faransiiska, iyadoo la filayo in xulka uu galo marxalad cusub.

Zidane ayaa amaanay weeraryahanka Real Madrid, isagoo sheegay: “Mbappé wuxuu noqon doonaa kabtankayga, Waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.”

Mbappé ayaa sidoo kale ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Faransiiska, isagoo dhaliyay 66 gool.

Kylian Mbappé  waxa uu usaftay xulka France 106 kulan  isagoo dhaliyey 66 gool  isku darka caawintiisa & dhalintiisa waa 110 .

Haddii Zidane dhab ahaan qabto hoggaanka xulka Faransiiska, Mbappé ayaa noqon kara shakhsiga ugu muhiimsan ee uu ku tiirsanaado waayihiisa cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga