Waa kuma 17 jirkii Man City ee Xalay dunida kayaabsaday lana bar bardhigay Ronaldinho ?

Xiddiga da’da yar ee Floyd Samba ayaa indhaha soo jiitay kaddib markii uu laba gool ka dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda koowaad, isagoo Manchester City ka caawiyay inay 5-0 ku garaacdo Norwich City oo ay si fudud ugu gudubto wareegga afraad ee Carabao Cup.

17-jirkan ayaa labada qeyb ee ciyaarta gool ka dhaliyay, waxaana sidoo kale uu door ku lahaa goolkii uu dhaliyay Rayan Cherki, Manchester City ayaa kulankan kusoo gashay saf aad loo beddelay, iyadoo tababare Enzo Maresca uu sameeyay 10 isbeddel marka loo eego shaxdii ka hortagtay Manchester United Axaddii.

Weeraryahanka caanka ah ee Erling Haaland xitaa kama uusan mid ahayn ciyaartoyda keydka, balse Samba ayaa muujiyay inuu leeyahay awood uu kaga faa’iideysto fursadaha la siiyo, Garabka Alan Elias, oo kooxda kasoo biiray Palmeiras bishii hore, ayaa sidoo kale gool dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay, halka ciyaaryahanka da’da yar ee Ryan Macado uu goolkii shanaad dhaliyay daqiiqadihii dambe.

Manchester City ayaa wareegga xiga ee tartanka la ciyaari doonta Brighton, iyadoo kulankaasi noqon doono wareegga 16-ka, Floyd Samba waa 17 jir kasoo baxay akadeemiyada Manchester City, waxaana uu kasoo jeedaa qoys kubadeed. Waa wiilka Christopher Samba, daaficii hore ee Blackburn Rovers iyo Queens Park Rangers.

Floyd ayaa kamid noqday saddex ciyaaryahan oo kulankan sameeyay kulankoodii ugu horreeyay ee kooxda koowaad, waxaana labada kale ahaa Geronimo Rulli iyo Alan Elias.

Samba ayaa kulankiisii ugu horreeyay si gaar ah uga dhigtay mid xusuus mudan, isagoo dhaliyay laba gool oo qurux badan, mid qeyb kasta, taasoo Manchester City u sahashay inay si raaxo leh uga gudubto Norwich.

Waxaa sidoo kale jira walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabo Tyron Samba, kaasoo hal sano ka weyn Floyd isla markaana isaguna kamid ah akadeemiyada Manchester City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga