Miyaa la ceyrinayaa Macalinka Manchester United & Carrick oo soo bandhigay hal arin …..

Tababaraha Manchester United Michael Carrick ayaa weli haysta taageerada madaxda kooxda, inkastoo kooxda ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka si niyad-jab leh, United ayaa laga reebay Carabao Cup kadib markii Brighton ay 3-2 kaga adkaatay Old Trafford, taasoo noqotay guuldarradii saddexaad ee lix kulan. Premier League-na waxay afar kulan ka heleen 4 dhibcood, iyagoo haatan ku jira kaalinta 13-aad.

Carrick waxaa la filayaa inuu helo waqti uu wax ku saxo, gaar ahaan maadaama uu bishii May saxiixay heshiis laba sano ah. Sidoo kale, xilli ciyaareedkii hore wuxuu kooxda u horseeday inay xaqiijiso ka qaybgalka Champions League.

Si kastaba, labada guuldarro ee guriga ee afar maalmood gudahood—Manchester City oo United 10 ciyaaryahan kaga ciyaaraysay 23 daqiiqo kadib, iyo Brighton oo noqotay kooxdii ugu horreysay in ka badan 50 sano oo Old Trafford ku badisa iyadoo laba gool lagu hoggaaminayay—ayaa walaac weyn ku abuuray taageerayaasha.

Carrick wuxuu u baahan yahay natiijo wanaagsan kulanka Fulham Axadda, taasoo siin karta fursad uu wax ku hagaajiyo inta lagu jiro fasaxa saddexda toddobaad ah ee xulalka.

Dhibaatooyinka United waxaa sidoo kale ka mid ah difaac aan degganayn, halka Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo aysan weli si fiican ula qabsan xilli ciyaareedka, Go’aankii kooxda ee ahaa inaysan soo iibsan daafac bidix ayaa sidoo kale la dhaliilay, gaar ahaan kadib dhaawaca Luke Shaw, iyadoo Patrick Dorgu iyo Noussair Mazraoui ay ku adkaatay inay booska si buuxda u buuxiyaan.

Dhanka kale, halyeeyga United Roy Keane ayaa si adag u dhaliilay hoos u dhaca heerarka kooxda, isagoo sheegay in dhaqanka iyo heerarkii laga filayay Manchester United ay hoos u dhaceen guud ahaan, Keane wuxuu tilmaamay in ciyaartoyda iyo go’aan-qaatayaasha kooxda ay u baahan yihiin inay dib u soo celiyaan heerarkii iyo rajadii lagu yaqaanay United, isagoo xusay in mararka qaar ciyaartoydu guuldarrooyinka uga falceliyaan sidii “maalinteennii aysan ahayn”.

Carrick isaguna wuxuu sheegay inuusan dareemayn cadaadis, balse waxa isaga ugu muhiimsan ay tahay in kooxda ay guulaysato, jawiga gudaha uu wanaagsanaado, isla markaana ay dareemaan inay jihada saxda ah ku socdaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga