Casemiro oo kahadlay cida uu u arko kubada dahabka & Cida mudan in la siiyo sanadkan ?

Xiddiga Khaddka dhexe ee kooxda Inter Miami, Casemiro, ayaa u magacaabay saaxiibkiisa Lionel Messi, ciyaaryahanka ugu cadcad ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or ee 2026, isagoo sheegay in xidiga reer Argentina uu mudan yahay inuu abaalmarinta qaato.

Kadib guushii 2-0 ahayd ee ay Inter Miami ka gaartay kooxda Cruz Azul ciyaartii dhammaadka ee Campeones Cup, Casemiro oo hore ugu soo ciyaaray Manchester United ayaa tilmaamay in Messi uu muujiyay awood cajiib ah oo Koobkii Adduunka ee dhowaan dhacay, Wuxuu rajaynayaa in dakda wax codaynaya ay tixgeliyaan waxqabadkii uu ku soo bandhigay tartankaas.

Messi, oo 39 jir ah, ayaa ka mid ah 30-ka ciyaaryahan ee u sharraxan Ballon d’Or 2026. Xidiga ayaa Inter Miami ku hoggaamiyay koobkoodii ugu horreeyay ee MLS Cup, isagoo dhaliyay 43 gool iyo 26 caawin 49 kulan oo uu saftay. Sidoo kale wuxuu Argentina gaarsiiyay finalkii Koobka Adduunka oo ay Spain ka badisay, halka kulankii uu dambeyay uu gool ku dhaliyay madaxa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga