Real Madrid ayaa ka hadashay murankii ka dhashay Vinicius Junior, Kylian Mbappé iyo Ibrahima Konaté, kuwaas oo lagu arkay iyagoo si khaldan u xiran funaanad taageero loogu muujinayay magaalada Ceuta, ka hor kulankii ay Real Madrid 3-2 kaga adkaatay Elche, Kulanka oo dhacay habeenkii Talaadada, kuna tirsanaa isbuuca 6-aad ee La Liga, ayaa ka hor intii aan la bilaabin waxaa labada kooxood loo qaybiyay funaanado fariin taageero ah oo ku saabsan magaalada Ceuta, oo ah dhul ismaamul leh oo hoos yimaada Spain.
Si kastaba, Vinicius, Mbappé iyo Konaté ayaa funaanadaha u xirnaa qaab ka duwan sidii loogu talagalay, waxaana ay sidaas garoonka ugu jireen dhowr daqiiqo. Intii lagu jiray salaanta labada kooxood, saddexda ciyaaryahan ayaa funaanadaha iska bixiyay, arrintaas oo dhalisay hadal-heyn iyo caro ka timid qaybo ka mid ah taageerayaasha, Warbaahinta Spain ayaa arrintan si weyn uga hadashay, iyadoo Real Madrid ay difaacday ciyaartoydeeda.
Sida ay qortay warbaahinta Sport, Real Madrid ayaa sheegtay in oggolaanshaha kooxda ee codsiga Elche ee ahaa in ciyaartoydu xirtaan funaanadaha Ceuta uusan micnaheedu ahayn in dhammaan ciyaartoydu ay isku aragti ka yihiin arrintaas.
Real Madrid waxay tilmaantay in kooxda ay ka kooban tahay shaqsiyaad badan, isla markaana qof kasta uu yeelan karo aragtidiisa gaarka ah.
Kooxda ayaa lagu soo xigtay:- “Waa inaan runta sheegnaa, Real Madrid, sida shirkado iyo hay’ado badan, waa koox ka kooban shaqsiyaad, mana aha hal qof oo keliya. Qof kasta wuxuu leeyahay aragtidiisa, waana wax dabiici ah.”
Real Madrid ayaa sidoo kale sheegtay in kooxda ay oggolaatay codsiga Elche, balse gudaha qolka labiska ay jiri karaan aragtiyo iyo fikrado kala duwan oo ku saabsan arrintan, Intaa waxaa dheer, Real Madrid waxay soo hadal qaaday Barcelona, iyadoo xustay in kooxda reer Catalonia ay hore u diiday inay xirato funaanad la mid ah ka hor kulankii ay la ciyaartay Levante Axaddii.
Kooxda Madrid ayaa tiri: – “Waxaan rabaa inaan qof walba xusuusiyo in Barcelona ay diiday inay sidaas sameyso ka hor kulankii ay la ciyaartay Levante, mana jirin cid arrintaas ka hadashay.”
Dhanka kale, Sport ayaa sheegtay in Real Madrid ay Barcelona ku soo dartay doodda si ay uga jawaabto dhaleeceynta loo jeediyay kooxda, Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Real Madrid ay si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka, iyadoo 3-2 kaga adkaatay Elche, halka Vinicius iyo Mbappé ay weli ka mid yihiin xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.
Barcelona ayaa iyaduna maanta wajahaysa Racing Santander, iyadoo kulankaasi qeyb ka yahay wareegga 6-aad ee La Liga.
Be the first to comment