Haaland oo ka hadlay goolkii muranka dhaliyay iyo guushii Manchester City ee Manchester Derby

Weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, ayaa ka hadlay guushii muhiimka ahayd ee kooxdiisa ay ka gaartay Manchester United iyo goolkii uu dhaliyay ee muranka dhaliyay, Haaland ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Match of the Day ee BBC kadib kulankii Manchester Derby-ga, kaas oo City ay 1-0 kaga adkaatay Manchester United garoonka Old Trafford.

Goolka Haaland ayaa muran dhaliyay, iyadoo la isku dayay in la ogaado in weeraryahanka reer Norway uu ku jiray offside markii uu kubadda helayay,  Laakiin kadib markii la hubiyay dhacdada, VAR ayaa xaqiijisay in goolku sax ahaa, waxaana City ay ku qaaday saddexda dhibcood.

Haaland ayaa sheegay inuusan wax walaac ah ka qabin inuu qeybtii hore kubadda si badan u taaban waayay, isagoo xusay in shaqadiisu ugu weyn tahay inay noqoto ciyaaryahan goolal dhaliya:- “Gool dhalintu waa shaqadayda, aan runta sheegno, Waxaa laga yaabaa in dadku ka hadlayeen inaan kubadda wax badan taaban qeybtii hore, laakiin wax dhib ah ma leh,  20-kii daqiiqo ee ugu horreeyay kubadda ma aanan taaban, laakiin maxaan u taaban lahaa? Ma jirin wax sabab ah oo aan ku dhex geli lahaa ciyaarta waqtigaas,” ayuu yiri Haaland.

Weeraryahanka City ayaa sheegay in kulamada noocan ah ay u baahan yihiin dulqaad iyo in ciyaaryahanku sugo fursadda saxda ah:- “Waa kulan u baahan dulqaad, waana inaan sugnaa waqtiga saxda ah. Taas ayaan sameeyay, waana ku faraxsanahay,” ayuu raaciyay.

Haaland ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay murankii ka dhashay goolkiisa iyo haddii uu ku jiray offside:- “Haddii uu offside cad jiro, arrinta si degdeg ah ayaa loo go’aamiyaa, qiyaastii shan ilbiriqsi gudahood. Anigu marar dhif ah ayaan ku dhacaa dabinka offside-ka, sidaas darteed uma maleynayn inaan offside ahaa,” ayuu yiri.

Haaland ayaa sidoo kale sheegay inuu xilligaas eegay dhinaca tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, kaasoo uu ka helay dhoolla-caddayn uu u fasirtay inay wax walba sax yihiin:- “Waxaan eegay Enzo Maresca, wuxuuna ii dhoolla-caddeeyay si yar. Markaas waxaan is iri, hagaag, sidaas darteed waxaan u dhaqaaqay dhanka taageerayaashayada,” ayuu sheegay Haaland.

Kulanka ayaa ahaa mid si gaar ah ugu adkaa Manchester City, maadaama kooxda ay ciyaarta inteeda badan ku ciyaartay 10 ciyaaryahan, kaddib markii Phil Foden laga saaray ciyaarta daqiiqaddii 23-aad, Haaland ayaa sheegay in marka kooxdu hal ciyaaryahan ka maqnaato ay ciyaartu gebi ahaanba is beddesho, balse City ay awoodday inay isku duubnaato oo ay kubadda si fiican u ilaaliso.

“Marka aad tiro ahaan ka yar tahay oo aad 10 ciyaaryahan ku ciyaarayso, qaabka ciyaartu wuu is beddelaa,  Waxaan ku guuleysannay inaan isku duubnaano oo aan kubadda ilaalinno, dabaaldegguna wuxuu ahaa mid cajiib ah. Mar walba waa wax fiican inaad iyaga ka adkaato,” ayuu yiri.

Haaland ayaa ugu dambeyn sheegay in guushan ay lahayd dareen ka duwan guulihii kale, maadaama uu markii ugu horreysay dareemay waxa ay tahay in Manchester Derby lagu badiyo iyadoo kooxdu 10 ciyaaryahan tahay.

“Waa dareen cusub oo gebi ahaanba ah, waana wax aanan horay u soo marin. Waxay wax yar la mid ahayd guushii aan Liverpool kaga gaarnay Anfield 2-1 bishii February, markii aan daqiiqadihii ugu dambeeyay rigoore dhaliyay, Marka kooxdaadu 10 ciyaaryahan tahay, dadaal laba jibbaaran ayaad sameyneysaa, sidaas darteed dareenku gebi ahaanba wuu ka duwan yahay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Haaland.

Guushii Manchester City ayaa noqotay mid muhiim u ah kooxda, gaar ahaan iyadoo ay ku gaartay Old Trafford, isla markaana ay ciyaarta inteeda badan ku ciyaartay 10 ciyaaryahan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga