Manchester City ayaa guul muhiim ah ka gaartay Manchester United, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay kulankii weynaa ee Manchester Derby, kaas oo ka tirsanaa wareegga 4-aad ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/2027, Kulanka ayaa lagu ciyaaray garoonka Old Trafford, waxaana City ay muujisay adkeysi weyn, iyadoo muddo dheer ciyaarta ku jirtay 10 ciyaaryahan kaddib markii mid ka mid ah ciyaartoydeeda casaan loo taagay.
Manchester City ayaa ciyaarta si wanaagsan ku bilaabatay, balse xaaladdu way is beddeshay daqiiqaddii 23-aad, markii Phil Foden uu si toos ah u qaatay kaarka cas kaddib markii uu qalad adag ku galay Bruno Fernandes.
Inkasta oo City ay hal ciyaaryahan ka hooseysay, haddana kooxda Enso maresca ma aysan is dhiibin, waxaana ay sii wadatay dagaalka ay ugu jirto saddexda dhibcood.
Daqiiqaddii 60-aad ayay Manchester City heshay goolka guusha, Erling Haaland ayaa shabaqa Manchester United taabtay kaddib markii uu si qurux badan uga faa’iideystay karoos sax ah oo uu soo dhigay daafaca reer Croatia ee Joško Gvardiol.
Haaland ayaa kubadda si heer sare ah u dhameystiray, waxaana goolkaasi noqday midkii kaliya ee laga dhaliyay kulanka.
Manchester United ayaa isku dayday inay jawaab ka bixiso goolka, iyadoo cadaadis saartay City qaybihii dambe ee ciyaarta, laakiin difaaca kooxda martida ahayd ayaa si adag u shaqeeyay, waxaana ugu dambeyn City ay awoodday inay ilaaliso 1-0.
Guushan ayaa Manchester City siisay saddex dhibcood oo qaali ah, iyadoo kooxda ay hadda leedahay 12 dhibcood, waxaana ay sii wadaa hoggaanka Premier League iyadoo Arsenal ay sidoo kale leedahay 12 dhibcood.
Waxa xusid mudan in City ay guushan ku gaartay xaalad adag, iyadoo ciyaarta inteeda badan ku ciyaartay 10 ciyaaryahan, taasoo ka dhigaysa saddexda dhibcood kuwo si gaar ah muhiim ugu ah kooxda.
Kulankan ayaa sidoo kale noqday guul weyn oo dhanka niyadda ah, maadaama Manchester City ay Old Trafford kaga adkaatay kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan, iyadoo Haaland uu noqday geesiga kulanka kadib goolkiisii daqiiqaddii 60-aad.
Be the first to comment