Barcelona ayaa sii wadda bilowgeeda cajiibka ah ee xilli ciyaareedka 2026/27, kaddib markii ay 4-2 kaga adkaatay Levante kulan ka tirsanaa wareegga shanaad ee horyaalka Spain, Kooxda uu hoggaamiyo tababare Hansi Flick ayaa ciyaarta si xooggan ku bilaabatay, waxaana goolka koowaad daqiiqaddii 5-aad u dhaliyay Xavi Espart, kaddib kubbad uu ka helay Raphinha.
Daqiiqaddii 19-aad ayuu Lamine Yamal Barcelona u dhaliyay goolka labaad. Raphinha ayaa marka hore dhaafay goolhayaha Levante, kadibna kubadda ayuu u dhigay Yamal oo si toos ah shabaqa ugu tuuray, Bilowgii qeybtii labaad, Barcelona ayaa heshay rigoore, waxaana daqiiqaddii 48-aad gool u beddelay Lamine Yamal, kaasoo sidaas ku dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, halka Barcelona ay gaartay 3-0.
Levante ayaa isku dayday inay ciyaarta kusoo laabato, waxaana daqiiqaddii 79-aad gool u dhaliyay Iván Romero. Daqiiqaddii 88-aadna Roger Brugué ayaa dhaliyay goolka labaad ee Levante, taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-2.
Laakiin Barcelona ma aysan oggolaan in guushu ka baxsato gacanteeda. Daqiiqaddii labaad ee waqtiga dheeriga ah ayuu Karim Adeyemi dhaliyay goolka afaraad, isagoo xaqiijiyay saddexda dhibcood ee kooxda Catalan, Kulanka waxaa sidoo kale dhaawac uga baxay Gerard Martín, kaasoo qeybtii labaad lagu beddelay Andreas Christensen.
Guushan ayaa Barcelona siisay 15 dhibcood, iyadoo shantii kulan ee horyaalka ay wada guuleysatay, waxaana ay weli hoggaanka La Liga ku haysaa farqi saddex dhibcood ah oo ay ka horreyso Real Madrid.
Be the first to comment