Manchester City ayaa dharbaaxo weyn wajahday kulanka adag ee ay Old Trafford kula ciyaarayso Manchester United, kaasoo qeyb ka ah wareegga afaraad ee Premier League.
City oo kulanka ku soo gashay iyadoo leh 9 dhibcood isla markaana ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka, ayaa xaalad adag gashay daqiiqaddii 21-aad ee ciyaarta.
Phil Foden ayaa kaarka cas loo taagay, kadib markii uu kubaddu ka maqneyd uu lug kaga dhuftay ciyaaryahanka Manchester United ee Bruno Fernandes. Garsooruhu wuxuu u arkay falkaasi inuu mudan yahay in ciyaaryahanka si toos ah ciyaarta looga saaro.
Kaarka cas ayaa Manchester City ku qasbaya inay inta ka hartay kulanka ku ciyaarto 10 ciyaaryahan, taasoo dhaawac weyn ku ah qorshaha kooxda Pep Guardiola, gaar ahaan maadaama ay doonaysay inay Old Trafford ka hesho saddexda dhibcood.
Manchester City ayaa kulankan u baahan guul si ay u gaarto 12 dhibcood oo ay ula barbar dhacdo Arsenal, isla markaana ay sii waddo loollanka loogu jiro hoggaanka Premier League.
Dhanka kale, Manchester United oo kulanka ku bilaabatay iyadoo leh 5 dhibcood kana fadhida kaalinta 11-aad, ayaa fursad weyn heshay kadib markii City laga saaray hal ciyaaryahan.
Haddii United ay ka faa’iidaysato tirada dheeraadka ah, waxay heli kartaa fursad ay ku qaadato saddex dhibcood oo muhiim ah, taasoo sare u qaadi karta booskeeda kala sarreynta horyaalka.
Be the first to comment