Kylian Mbappe: ”Malaayiin taageerayaal ah ayaa noqday tababarayaal waxayna diiradda saaraan waxa aanan sameynin sababtoo ah joogteynteyda@.

Kylian Mbappé, xiddiga Kylian Mbappé ee Real Madrid iyo xulka France, ayaa ka hadlay dhaleeceynta loo jeediyo, gaar ahaan marka la eego doorkiisa difaac iyo sida uu uga qayb qaato shaqada kooxda.

Mbappé ayaa sheegay in xaaladdan ay tahay wax la xiriira nolosha ciyaaryahan muddo dheer ku jiray heerka ugu sarreeya, isagoo tilmaamay in dadka ay mararka qaar diiradda saaraan waxyaabaha uusan sameynin halkii ay ka eegi lahaayeen waxqabadkiisa, Mbappé ayaa wareysi uu siiyay wargeyska L’Équipe ku yiri in aysan caadi ahayn in mar kasta la eego waxyaabaha uu ciyaaryahanku sameeyey, balse ay tani ka dhalatay inuu muddo dheer si joogto ah u soo bandhigay heer sare.

Wuxuu sheegay in maadaama uusan hadda ahayn ciyaaryahan cusub ama lama filaan ah, dadka ay muddo dheer yaqaaneen waxa uu awoodi karo, Xiddiga Real Madrid ayaa sidoo kale sheegay in ciyaar kasta ay la socoto malaayiin taageerayaal ah oo isku arka inay yihiin tababarayaal, kuwaas oo mid walba leeyahay aragti u gaar ah.

Mbappé wuxuu qiray in haddii uusan gool dhalin, su’aashu ay noqon doonto sababta uusan u dhalin, halka haddii uu goolal badan dhaliyo haddana laga hadli karo waxyaabo kale oo uusan sameyn.

Mbappé ayaa si cad u difaacay hamigiisa gool dhalinta, isagoo sheegay in uusan u arkin inay dhibaato ku tahay ciyaarta kooxda, Wuxuu xusay in nuxurka kubadda cagtu yahay in kooxdaadu dhaliso goolal ka badan kuwa kooxda kasoo horjeeda, isla markaana ciyaaryahan si joogto ah goolal u dhaliya uusan weligiis dhibaato ku noqon karin kooxdiisa.

Ugu dambeyn, Mbappé wuxuu sheegay inuusan waligiis arag koox koobab ku guuleysatay iyadoo aan wax gool ah dhalin, taasoo uu ku muujiyay muhiimadda uu siinayo gool dhalinta iyo natiijada kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga