Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska FA ayaa ganaax lacageed ku riday goolhayaha Liverpool, Alisson Becker, kaddib dhacdo ka dhacday ciyaartii Liverpool iyo Nottingham Forest ee Premier League.
Liverpool ayaa Nottingham Forest kula ciyaartay garoonka Anfield, iyadoo labada kooxood ay ku kala baxeen 2-2, kulan ay hareeyeen muran iyo dhacdooyin xamaasad badan.
Daqiiqadihii dambe ee ciyaarta ayaa muran xooggan ka dhashay rigore loo dhigay Nottingham Forest, kaasoo ay kooxda martidu ka dhalisay goolkeedii labaad, Alisson ayaa si weyn uga carooday go’aanka garsooraha, waxaana uu helay kaar jaalle ah kaddib markii uu si xooggan uga protest-gareeyay go’aanka rigooraha, Laakiin xanaaqa goolhayaha reer Brazil kuma ekaan garoonka.
Markii ciyaartu soo dhammaatay, Alisson ayaa sii watay xanaaqii, waxaana la sheegay inuu jebiyay looxii lagu muujinayay beddelka ciyaartoyda xilli uu u sii socday qolka labiska, Dhacdadan ayaa sababtay in xiriirka FA-ga Ingiriiska uu baaritaan ku sameeyo hab-dhaqanka goolhayaha Liverpool.
FA-ga ayaa ugu dambeyn go’aansaday in Alisson lagu ganaaxo £8,000, kadib markii lagu helay inuu si aan habboonayn u dhaqmay intii uu u sii socday qolka labiska kaddib ciyaartii Nottingham Forest, Ganaaxan ayaa kusoo aadaya xilli Liverpool ay isku dayayso inay si wanaagsan ku bilowdo xilli ciyaareedka cusub, iyadoo dhacdada Alisson ay noqotay mid si weyn looga hadal hayo.
Alisson ayaa ah mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Liverpool, balse markan xanaaqii uu muujiyay kaddib go’aankii rigooraha ayaa sababay inuu wajahdo ciqaab ka timid xiriirka kubadda cagta Ingiriiska.
Be the first to comment