Arsenal ayaa si guul leh ku billowday ololaheeda UEFA Champions League 2026/27, kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay Napoli kulan adag oo ka dhacay magaalada Naples, Gool qurux badan oo uu dhaliyay kabtanka kooxda Martin Ødegaard ayaa saddexda dhibcood u xaqiijiyay kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta.
Inkasta oo Arsenal ay ciyaarta inteeda badan maamuleysay isla markaana abuurtay fursado badan, haddana weeraryahanadeedu waxay ku adkaatay inay ka faa’iideystaan.
Bukayo Saka, Declan Rice, Eberechi Eze iyo Mikel Merino ayaa dhammaantood helay fursado wanaagsan, laakiin goolhayaha Napoli iyo dhammeystir la’aanta ayaa ka hor istaagtay Gunners inay goolal kale helaan, Napoli ayaa isku dayday inay khatar ku noqoto weerarro rogaal-celin ah, iyadoo Kevin De Bruyne uu ahaa ciyaaryahanka ugu firfircoon kooxda Talyaaniga.
Si kastaba ha ahaatee, difaaca Arsenal oo uu hoggaaminayay Ezri Konsa iyo goolhaye David Raya ayaa si wanaagsan u xakameeyay weerarrada kooxda martida loo ahaa, Markii ay ciyaartu u muuqatay mid ku sii jeedda barbaro, kabtanka Arsenal Martin Ødegaard ayaa soo baxay.
Xiddiga reer Norway ayaa meel ka baxsan diilinta ganaaxa ka tuuray kubbad cajiib ah oo tiirka ku sii dhacday ka hor inta aysan shabaqa gelin, taasoo noqotay goolka keliya ee kulanka isla markaana Arsenal siisay guul qaali ah, Goolkan wuxuu ahaa goolkiisii afaraad ee xilli ciyaareedkan, isagoo sii wada qaab ciyaareedkiisa heerka sare ah.
Kooxda Arsenal kulankan kuma imaan xaalad fudud. Safarkoodii magaalada Naples ayaa dib u dhacay ku dhowaad saddex saacadood sababo la xiriiray cillado ka jiray maamulka hawada ee UK, Inkasta oo diyaaraddii kooxda ay habeen dambe gaartay Talyaaniga, haddana ciyaartoyda Mikel Arteta waxay muujiyeen adkeysi iyo dulqaad, ugu dambeyntiina waxay la baxeen guul muhiim ah.
Tababare Mikel Arteta ayaa kulankan sameeyay isbeddello dhowr ah oo shaxdiisa ah, balse kooxda ayaa weli muujisay awood iyo qoto-dheerida safkeeda, Guushan ayaa Arsenal siisay saddex dhibcood oo muhiim ah kulankeedii ugu horreeyay ee Champions League, iyadoo kooxda London ay sii xoojisay rajadeeda ah inay markale gaarto heerarka ugu dambeeya ee tartanka, kadib markii ay xilli ciyaareedkii hore gaartay finalka.
Be the first to comment