Xiddiga khadka dhexe ee Pedri ayaa taariikh cusub ka sameeyay FC Barcelona, kaddib markii uu kooxdiisa u saftay 250 kulan dhammaan tartamada.
Pedri ayaa kulankiisii 250-aad ciyaaray markii Barcelona ay 5-1 ku garaacday Feyenoord, kulan ka tirsanaa wareegga koowaad ee marxaladda horyaalka Champions League xilli ciyaareedka 2026/27, Kulanka ayaa lagu ciyaaray Spotify Camp Nou, waxaana Barcelona ay soo bandhigtay awood weerar oo xooggan, iyadoo Feyenoord ka dhalisay shan gool.
Guushan ayaa timid kaddib markii Barcelona ay sidoo kale 5-2 kaga adkaatay Valencia La Liga, taasoo muujinaysa bilow wanaagsan oo kooxda uu hoggaaminayo Hansi Flick ay sameysay.
Pedri, oo xubin muhiim ah ka ah khadka dhexe ee Barcelona, ayaa 250-ka kulan ku gaaray marxalad muhiim ah oo xirfaddiisa ah, isagoo sidoo kale xulka Spain kula guuleystay Koobka Adduunka 2026.
Kadib kulanka Feyenoord, Pedri wuxuu baraha bulshada kaga hadlay tirada 250-ka kulan, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu muddo dheer xirto funaanadda Barcelona.
Wuxuu yiri: – “250 kulan oo aan funaanaddan ku ciyaaray, waxaana ugu raaxaysanayaa si la mid ah sidii aan ugu raaxaystay kulankii ugu horreeyay. Waxaan rajaynaynaa wax badan.”, Hadalka Pedri wuxuu muujinayaa inuu doonayo inuu sii wado safarkiisa Barcelona, isla markaana uu gaaro tirooyin kale oo waaweyn mustaqbalka.
Be the first to comment