Valverde oo kayaabay Falcelintii taageerayaasha Real madrid kulankii Inter Milan

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid, Federico Valverde, ayaa si daacad ah uga hadlay guushii adag ee kooxdiisu ka gaartay Inter Milan kulankii furitaanka heerka horyaalka ee Champions League 2026/27, isagoo qiray in taageerayaashu ay xaq u lahaayeen inay muujiyaan caro iyo niyad-jab.

Real Madrid ayaa 2-1 ku garaacday Inter Milan garoonka Santiago Bernabéu, balse inkastoo ay saddexda dhibcood heleen, bandhigga kooxda gaar ahaan qeybtii labaad ayaa dhaliyay dhaleeceyn badan.

Valverde ayaa sheegay in Real Madrid ay si fiican u ciyaartay qeybtii hore, isagoo ammaan gaar ah u jeediyay goolhaye Thibaut Courtois:-“Waxaan soo bandhignay ciyaar wanaagsan qeybtii hore, waxaana guusha qayb weyn ka leh Courtois oo sameeyay badbaadino muhiim ah.”

Xiddiga reer Uruguay ayaa qirtay in kooxda ay si weyn hoos ugu dhacday qeybtii labaad, Real Madrid waxay lumisay deganaanshihii kubadda, Difaacu wuxuu galay cadaadis joogto ah, Kooxdu ma aysan awoodin inay xakameyso ciyaarta iyadoo hoggaanka haysa.

Valverde wuxuu sheegay in arrimahaas aysan ahayn wax laga aqbali karo kooxda, gaar ahaan marka lagu ciyaarayo Santiago Bernabéu.

Valverde ayaa shaaciyay in tababare José Mourinho uu ciyaartoyda ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay: In kubadda la haysto muddo dheer, In lagu ciyaaro degganaan & In ciyaarta lagu maamulo garoonka qeybtiisa hore.

Wuxuu sheegay in inkastoo guushu muhiim ahayd, haddana kooxda ay tahay inay wax badan ka barato bandhigii liitay ee qeybta labaad.

Markii wax laga weydiiyay foodhii iyo qayladii taageerayaasha Real Madrid ay ku muujiyeen niyad-jabka intii lagu jiray kulanka, Valverde wuxuu si cad u sheegay: -“Taageerayaashu way ku saxnaayeen, Waa inaan garowsannaa inaan u baahanahay horumar, qorshe ciyaareed oo cad iyo inaan muujinno dulqaad iyo degganaan badan marka aan hoggaanka ku jirno.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga