Mourinho oo difaacay Vinícius: “Qof kasta oo kooxda u dadaala mar walba waan garab istaagayaa”

Tababaraha Real Madrid, José Mourinho, ayaa si adag u difaacay xiddiga reer Brazil Vinícius Júnior, kaddib markii taageerayaal ka tirsan Santiago Bernabéu ay ku qayliyeen ciyaaryahanka intii lagu jiray guushii 2-1 ee ay Los Blancos ka gaareen Inter Milan kulankii furitaanka Champions League 2026/27.

Mourinho ayaa sheegay inuusan dhaliilayn taageerayaasha, balse uu leeyahay waajib tababarenimo oo ah inuu garab istaago ciyaaryahan kasta oo dadaal badan muujiya:- “Anigu ma dhaliilayo taageerayaasha, waan ixtiraamaa,  Laakiin Vinícius wuxuu mar walba heli doonaa taageeradayda inta uu kooxda u hurayo dadaalkiisa oo dhan.”

Tababaraha reer Portugal ayaa qiray in Vinícius uusan weli ku jirin qaab ciyaareedkiisii ugu sarreeyay, balse uu sheegay in ciyaaryahanku si adag u shaqeynayo si uu mar kale u noqdo xiddigga kulamada go’aamiya, Vinícius wuxuu ogyahay inuusan joogin heerkiisii ugu fiicnaa, Wuxuu sameynayaa dadaal ka badan sidii hore, Mourinho wuxuu aaminsan yahay inuu mar kale noqon doono ciyaaryahankii guulaha u horseedi jiray Real Madrid.

Mourinho ayaa caddeeyay in taageeradiisa aysan ka dhignayn in Vinícius uu mar walba kusoo bilaabanayo ama uu ciyaarayo kulanka oo dhan:- “Taasi macnaheedu ma aha inuu bilowdo kulan kasta ama ciyaaro 90 daqiiqo, laakiin wuxuu mudan yahay ixtiraamkayga inta uu kooxda u ciyaarayo si daacad ah.”

Markii wax laga weydiiyay qaylada ay taageerayaashu u jeediyeen Kylian Mbappé, Mourinho si cad ayuu uga gaabsaday inuu arrintaas ka hadlo, Wuxuu sheegay inuusan waligiis faallo ka bixin doonin falcelinta taageerayaasha inta uu tababaraha ka yahay Real Madrid, isagoo xusay in uu mar walba ixtiraamo shaqada ay ciyaartoydu u qabtaan kooxda.

Mourinho wuxuu sheegay in Thibaut Courtois uu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa Real Madrid kulankaas, isagoo sameeyay badbaadino badan oo kooxda ka caawisay guusha.

Sidoo kale wuxuu difaacay Trent Alexander-Arnold, isagoo sheegay in booskiisu uu u baahan yahay awood jireed iyo dadaal badan, isla markaana Trent uu bixiyay wax walba oo uu awooday inkastoo uu leeyahay astaamo ciyaareed ka duwan kuwa looga baahan yahay booskaas.

Gebagebadii, Mourinho ayaa bogaadiyay Inter Milan, isagoo ku tilmaamay kooxda ugu xooggan Talyaaniga xilligan, Wuxuu sheegay in Inter ay soo bandhigtay ciyaar heer sare ah, isla markaana Real Madrid ay weli ku jirto marxalad ay dhisaneyso kooxdeeda, taasoo ka dhigan in horumar badan uu weli u yaallo kooxda xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga