Geesigii Barcelona Nolosha ku ciishay lkn Qadarta ka yeeshay mid geeri kasoo laabta Waa kuma ?

Daawadayaasheena dunida Ciyaaraha Tube asc kuna soo dhawaada Qisadeena maanta,

Waxa uu diiday dhamaantood & dalab kasta si uu uxaqiijiyo riyada yaraantiisa ee uciyaarista Barce , kadib markii uu oofiyey balantiisii 1aad ee Classico Jamaahiirta Barcelona waxa ay ka sugayaan inbadan xiliciyaareedkan rajada sare leh , isagu waa Raphinha , wiilka Brazilianka ee doonaya in sixirkiisa uuku saameeyo camp Nou si uu umaro wadadii kii cishqiga looga hayey qalcadan Ronaldnho , Qormadan waxaan idinku soo gudbineynaa qisadiisa oo dhameystiran , caruurnimadiisii adkeyd & sidii uu ugu dhawaaday inuu isdhiibo kadib markii ay diideen naadiyo badan bilowgiisii sababo yaab leh, 

Cilaaqadiisa Ronaldinho, sirta fariintii murugada laheyd ee fanaanadiisa , muxu isugu dayey azuri kuqancintiisa inuu uciyaaro taliyaaniga , maxey aheyd jawaabtiisa iyo maadeysigiisii Real Madrid ,  iyo Noloshiisa gaarka ah , inta & kabadan waxaan kubaran doonaa xubinteena xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen barteena Kooxda.com.
 
Magaciisa oo buuxa waa rafel diaz biruli waxa loo garan ogyahay Raphinha waana naaneys uu ku kasbaday dalkiisa, waxa uu ku dhashay 14 December 1996 magaalada Porto Alegri ee koofurta dalkaasi , waxa uu nasabsadaa hooyo Brazilian ah & aabe taliyaani ah oo Musikiista ahaa, marna ma aheyn duruufta nololeed ee qoyska mid wanaagsan , Raphinha waxa qolka jiifka kula nooolaa hooyadii & aabihii & walaalkii kayar , qoyska waxa ay u dagaalamayeen si ay sidii ay uheli lahaayeen cuno & wax ayku maareeyaan noloshooda, 
 
lkn taasi kama hor istaagin canugan yar arinka quseysa kubada cagta si uu umaro wadada awowgiisa Osmar oo ciyaraha caalami kunoqday lixdanmeeyadii ama adeerkii oo uciyaaray naadiyo dhowro Brazil ah ama adeerkii kale oo Iter uciyaaray lagu daray  aabihii lafsadiisa oo uciyaaray qaar kamid ah naadiyada hoose ee dalka Brazil .
 
sanadihi ugu horeeyey ee yaraantiisa Raphinha waxa lagu biiriyey academiyad maxali aheyd oo lagu magacaabayey Monti Castelo waqtigaasi waxa uu ka qeyb galayey tartamada Farzia waa tartamo aan rasmi aheyn oo ay soo qaban qaabiyaan mujtamaca halkaasi , waxa lagu qabtaa duruufo adag sida garoomo dhoobo ah , boor & bus, kuleyl daran tiir ama ul badalkeeda birta & shabaqeeda , Kooxo bilaa fananado ah bastoolado & qoryo oo ah gadaada goosha , 
 
taageerayaasha waxa a ka careysiiyaan laacibiinta kahorjeeda darajo ahaan iney sheekada gaarto   dil loogu hanjabay Rafinha waxa uu ka leeyahay kan dambe ” kahor mid kamid ah kulamadeena Farzia waxaan isku diyaarineynay qol xiran , si xoogan ayaa albaabka loosoo garaacay iyadoo banaanka laga qeylinayo hadii aad kulankan guuleysataan waan idin dili doonaa , iidinkoo nool halkan kama baxeysaan , wax kasta oo aan iraahdo waa wax adag inaan sharaxo maxu yahay tartanka Farzia?, lkn waxaan hubaa qofkii ka qeyb gala tartankaasi waxa usuuragal ah inuu ka ciyaari karo meel kasta,
 
 Raphinha waxa uu kasii ciyaarayey farzia ilaa uu kagaaro da’da 8aad lkn waxa uu  lahaa riyo ah inuu uciyaaro naadiga International waana uu isku dayey ficil ahaan inuu ku biiro kahor inta aan laga soo diidin 3 dalab xujo ahaan inuu aad caato u yahay waxa uu u wareegay  imtixaanada Gremeu si uu uwajo isla diidmadaasi ” Adiga waad yartahay awooda jirkaaga waa daciif ” , waqtigaasi wiilka roonayey waxa uu dareemay rajo beel daran lkn waxa uu doortay usafrida santa katarina isago raadinaya fursad kale si ay ugu furmaan albaabada naadiga avaay sanadkii 2014, boos ayuu ka xirtay kooxda da’arada kahor inta uusan lakulmin dhaawac xoogan , 
 
kadib markii uuka caafimaaday waxa uu dhibaato daran kala kulmay sidii uu ugu soo noqon lahaa shaxda 1aad , naadiga waxa ay ka dalbatay inuu kaligii tababarto si uu udareemo qalbi jab kaasoo kufakaray inuu is dhiibo isla markaaana katago kubada, bal waxa uu la xiriiray waalidiintiisa una sheegay taasi, jawaabta hooyadii waxa ay aheyd hagaag lkn hadii riyadaada aad ka istaagtid waxaad u dhamaadoontaa  shaqo caadi ah , halkan waxa uu raphinha soo xasuustay inuusan dhameystiran waxbarashadiisa , hadii uu katago kubada cagtana waxa uu ka shaqeyn doonaa timo jare ama wax lamid ah waxa uu go’aansaday inuu u dagaalamo riyadiisa 
 
 markii uu wacdaro lasameeyey naadiga Avaay waxa heshiis lagalay xidigii hore ee Barcelona deco kaasoo noqday waakil laacibiinta ah , wadadiisa ayuuna ku bartay yurub bishii febraayo 2016 , waxa uu kubiiray naadiga Fitooriya Gimirish ee dalka Portugal si uu wacdaro ula sameeyo uuna ugu guuleysto laaicbka xiliciyaareedka naadiga , intaasi kadib waxa uu uwareegay naadiga Sporting Lisbon isagoo halkaasi kula ciyaaray Bruno Fernandes kulana guuleysto horyaalka & koobka Portugal  sanadkii 2019 waxa uu uga sii gudbay naadiga Rein ilaa leedes United kahor inta uusan caga dhigan naadiga Barcelona ama heerkiisa caalaminimo waxa uu raphinha waxa uu matala xulka celicao isagoo uciyaarayey tan & bishii augosto 2021
Nisbo ahaan asalka waalidkii ee taliyaaniga ah Raphinha waxa uu ehel u ahaa xirashada maaliyadda xulka taliyaaniga bal xiriirka taliyaaniga waxa ay isku dayeen in ka afduubtaan samba sanadkii 2020 lkn waa uu diiday kadib taladiii wakiilkiisa Deco waxaana uu ka leeyahay kan dambe :- ” 2020 Xiriirka taliyaaniga waxa ay sameeyeen isku day xoogan oo ayku qancinayaan rafinha inuu uciyaaro taliyaaniga lkn waxaan usheegay inuu ka heli doono fursad weyn shaxda Brazil maxaa yeelay waxa uu leeyahay sifooyin kaduwan laacibiinta kale ee booskiisa kaciyaarta .
 
markii uu Leeds ka tirsanaa mid kamid ah kulamadii uuka hortagay Man city  Rafinha waxa uu kalakulmay fernandinho jug xoogan oo ka haleeshay  cajirka lugta bidix taasoo keentay inuu dhiig fariisto lugtana ay bararto , waxa uu dhaawacaasi sabab unoqday inuu galo qaliin xusuustiisa dhaawacaasi waxa uu ka leeyahay:- “Fernandinho ayaa cajirkeyga si xun udhaawacay waa leyga duubay lkn marka aan guriga tagay lugteyda bidix wey bararneyd , dhiigeyga ayaa hoos udhacay , dr ayaan wacay waxaana uu iiwareejiyey isbitaalka aad beyd uxanuun badneyd , waxaan ubaahday xxanuun baa’biye , ma awoodin xitaa inaan gaariga raaco, dhamaadkii dhaqaatiirta ayaa la tacaamulay mowqifka.
 
Markii uu ku biiray Barcelona ma sugin inbadan si uu ukasbado cishqiga jamaahiirta barcelona dariiqad maadeysi uu umaray naadiga cadowgooda Real Madrid waxa uu laacibka Instigramkiisa ku daabacay sawir lagu Sameeyey photoshop oo lagu badalay sawirkii Kliann Mbappe ee yaraatiisa & qolkiisii jiifka, hareeradiisana ay yihiin sawirada halyeeyada real madrid oo uu ugu horeeyo CR7 , lkn sawirka waa labadalay si uu unoqdo kan hoos fadhiya Raphinha badalkiisa  Mbappe sawiradii Real Madrid  & halyeeyadeedana waxa lagu badalay sawirada halyeeyada ugu waaweyn Barcelona sida Lionel Messi 
 
Sawirkaasi aad bey usoo dhaweeyeen reer Bugrana waqti cushaaqda naadiga Malaki ay u arkeen daan daansi aan geed loogu soo gamban kadib fashilkii heshiiskii Mbappe gaar ahaan cushaaqda marenge oo siweyn uhadal hayey sawirkaasi inabadan daliil ahaan imaanshaha kan dambe oo ay u arkeyeen in gurigiisa kadhisan naadil Malaki.
 
Raphinha waxa uu u arkaa kan uu kaga daydo kubada cagta Ronaldinho isagoo leh ” Dinho waxa uu ii ahaa kan aan ku daydo markii aan bilaabay fahamka kubada cagta Ronaldinho waxa uu ku sugnaa Barcelona waxaan arkayey inuu marwalba sameynayo waxyaabo cajiib ah ” Sidoo kale Raphinha waxa uu daawan jiray faransiiska thiery Henry, , amaa Noloshiisa gaarka ah waxa uu cilaaqad jaceel ku jiraa gabar Brazilian ah oo kayar 3sano taaso lagu magacaabo Natalia Redrogez , waxa ay isbarteen waqti in mudo hada laga joogo, kahor inta aysan is guursan bishii Febraayo ee tagtay, sidoo kale jirkiisa waxa uuku leeyahay shaabado badan mid sanadkiisa dhalashada ah, mid kubad & kuwo kale.
 
Cilaaqada ka dhaxeysa Roonaldinho & Raphinha maaha kaliya inuu kaga dayan jiray garoomada lkn waa saaxiibo , labada nin ayaa isku magaala kasoo jeeda Porto alegri , 7jirkiisa ayuu xaadiray ciida dhalashada saaxirkii reer brazil  isagoo lasocda waalidkii kaasoo ka shaqeynayey mid kamid ah kooxaha musica ee xaflada joogtay Waxa uu leeyahay raphinha waan xasuustaa maalintaasi Ronaldinho waxa uu bilaabay inuu uciyaaro Barcelona waan xasuustaa inaan xaadiray gurigaasi weyn waxa uu tagnaa afaafka hore ee guriga waxa uu soo dhaweynayey dadka markii uu i arkay garbaha ayuu igu qaaday waana ila socday” .
 
Markii ay geeriyootay hooyada Ronaldinho Raphinha ma awoodin inuu aado Brazil sababo kulamadii adkaa ee kooxdiisa lkn mid kamid ah goolashiisa waxa uu uhadiyey rooxda hooyada dinho isagoo usiimaray kuqorida magaceeda fanaanadiisa gudaha kadib markii uu siibay maaliyadda 1aad.
 
Barcelona waxa ay laacibkan kula wareegay 58 milyan oo yuro  & 9 milyan oo isbadaladiisa waxa uu saxiixay 5sano ,  halka lagu bur burinkaro heshiiskiisa 1 bilyan oo yuro  Barcelona ayaa lacagtiisa ku bixin doonta 3 qeyb oo kala duwan iyadoo hadii ay kadaahaan Leeds ay ganaaxi doonto 12 milyan o yuru sida ay sheegtay the Athletic

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga