Qosol & Kaftan Yaab badan oo dhex maray Halyeeyada Man utd & Liverpool Roy Keane & Gary Neville

Halyeeyga Manchester United, Roy Keane, ayaa mar kale baraha bulshada qabsaday kadib markii uu kaftan lama filaan ah ka sameeyay tirakoobka kubadda cagta ee Expected Goals (xG).

Keane ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka Stick to Football, oo ay wadaagaan Gary Neville, Jamie Carragher, Ian Wright iyo Jill Scott. Barnaamijku wuxuu si joogto ah uga hadlaa wararka iyo arrimaha ugu waaweyn ee kubadda cagta.

Keane oo xG-ga tusaale aan caadi ahayn u adeegsaday, Intii laga hadlayay xG-ga, Keane ayaa sheegay inuusan si weyn ugu qanacsanayn tirakoobkan, waxaana uu tusaale uga dhigay xaalad ka dhacda goob lagu caweeyo, wuxuu kaftan ahaan u sheegay in qof uu habeen dhan gabar kula sheekaysan karo goob lagu caweeyo, balse ugu dambayn kaligiis guriga ugu laaban karo.

Kadib ayuu weydiiyay: “XG-gaagu waa imisa?”, hadalkan ayaa si weyn u qosliyay Gary Neville, Jamie Carragher, Jill Scott iyo Ian Wright.

Gary Neville oo isaguna kaftamay, Gary Neville ayaa Keane uga jawaabay isagoo isagu isku daraya kubadda cagta iyo kaftanka, wuxuuna yiri:

“Roy, anigu clean sheets ayaan haystay!” , Keane ayaa isagoo dhoolla-caddeynaya ugu jawaabay: “Waan hubaa inaad haysay.”

Muuqaalkan ayaa si degdeg ah u faafay, waxaana taageerayaashu aad uga falceliyeen kaftanka Keane.

Barnaamijka waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray suuqa kala iibsiga iyo xaaladda kooxaha Premier League, Qaybta cusub ee Stick to Football waxay si gaar ah uga hadashay Liverpool, Manchester United iyo kooxaha kale kadib xiritaanka suuqa kala iibsiga, Jamie Carragher ayaa hore u sheegay in Liverpool ay dhibaato ka haysato booska daafaca midig, isla markaana Dominik Szoboszlai uu noqon karo xal haddii loo wareejiyo booskaas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga