Arsenal ayaa si rasmi ah u diiday weydiisasho ay Chelsea ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee Martin Zubimendi, iyadoo Chelsea ay si degdeg ah u raadineyso ciyaaryahan ay ku beddesho Enzo Fernández.
Sida ay maanta qortay The Sun, Chelsea ayaa Zubimendi ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ay doonayaan inay la soo wareegaan, gaar ahaan haddii Enzo Fernández uu u dhaqaaqo Manchester City, inkasta oo Zubimendi uu xilli ciyaareedkan hoos uga dhacay tartanka boosaska khadka dhexe, haddana Arsenal ayaa caddeysay inaysan dooneyn inay iibiso ciyaaryahanka reer Spain.
Martin Zubimendi ayaa weli loo arkaa ciyaaryahan muhiim u ah qorshaha Mikel Arteta, waxaana kooxda London lagu wargeliyay in ciyaaryahanka uu leeyahay door muhiim ah oo uu ciyaari doono xilli ciyaareedkan.
Arteta ayaa horay u ammaanay Zubimendi, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu muhiimsanaa Arsenal xilli ciyaareedkii hore, isla markaana uu door weyn ku lahaa heerkii ay kooxdu gaartay, Chelsea ayaa hadda ku jirta xaalad degdeg ah, maadaama Enzo Fernández uu ku sii dhowaanayo Manchester City.
Wararka ayaa sheegaya in Manchester City iyo Chelsea ay ka wada hadlayaan heshiis ku kacaya in ka badan £120 milyan, iyadoo The Sun ay xustay in qiimaha heshiisku uu gaari karo ku dhowaad £137 milyan, Enzo Fernández ayaa sidoo kale la sheegay inuu doonayo inuu dib ula midoobo tababarihiisii hore ee Enzo Maresca, kaasoo hadda jooga Manchester City.
Tababaraha Chelsea, Xabi Alonso, ayaa si weyn u jecel Martin Zubimendi., labada ciyaaryahan waa reer Spain, waxayna kasoo wada jeedaan magaalada San Sebastián. Alonso ayaa xitaa horey isku dayay inuu Zubimendi u saxiixo Real Madrid xilligii uu tababaraha kooxdaas ahaa.
Be the first to comment