QALBI JABKA BARCELONA :- Chelsea oo qaaday Talaabo ka careysiisay Barcelona ……

Kooxda Chelsea ayaa la filayaa inay heshiis cusub oo mushaar kordhin leh u bandhigto weeraryahankeeda João Pedro, sida uu qoray wargeyska The Athletic.

João Pedro oo 24 jir ah ayaa xagaagii hore kaga soo biiray Chelsea kooxda Brighton heshiis lagu qiimeeyay £50 milyan, isagoo markaas qalinka ku duugay heshiis 7 sano ah oo soconaya ilaa 2032.

Si kastaba ha ahaatee, bandhiggiisii heerka sare ahaa ee xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ayaa maamulka Chelsea ku qanciyay inay dib u eegaan heshiiskiisa.

Waxyaabaha ugu muhiimsan:

Chelsea waxay qorsheyneysaa inay kor u qaaddo mushaharka João Pedro.
Waxaa la siin doonaa heshiis cusub oo shuruudo ka wanaagsan kuwii hore.

João Pedro ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay u dhaliyay Chelsea 20 gool isagoo saftay 50 kulan tartamada oo dhan.
Maamulka Chelsea ayaa doonaya inay ku abaalmariyaan qaab ciyaareedkiisa wanaagsan isla markaana sii xoojiyaan mustaqbalkiisa kooxda.

João Pedro ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Chelsea, waxaana kooxda Stamford Bridge ay dooneysaa inay muddo dheer sii haysato weeraryahanka reer Brazil.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga