WAA LAKALA SHAKIYEY :- “Qofkii ka shakiya Barcelona meel noogama bannaana kooxdayada”

Saxafiga ciyaaraha Luis Carasquero ayaa fariin culus u diray weeraryahanka Ferran, isagoo xusuusiyay hadalkii halyeeygii reer Holland Johan Cruyff ee ku saabsanaa daacadnimada ciyaartoyda u ciyaarta FC Barcelona.

Carasquero ayaa yiri: “Ferran, xusuusnow wixii macallinkeennii Cruyff mar walba oran jiray: ‘Qofkii ka shakiya inuu u ciyaaro Barcelona, mar dambe wax faa’iido ah nooguma laha.'”

Hadalkan ayaa loo fasirtay fariin cad oo ku socota Ferran, taas oo muujinaysa in ciyaaryahan kasta oo ka labalabeeya sii joogista ama u ciyaarista Barcelona uusan ka mid noqon karin mashruuca kooxda.

Hadalka Cruyff ayaa weli loo arkaa mid ka mid ah oraahyada ugu caansan taariikhda Barcelona, isagoo adkeynaya in ciyaartoydu ay si buuxda uga go’an tahay difaacidda astaanta iyo qiyamka kooxda.

PSG & Torres aya heshiis afka gaaray si laacibka ugu wareego Kooxda kadhisan france league 1 halka Barceloan ay raadineyso badalkiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga