FADEEXAD WEYN Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay FIFA iyo xiriirrada qaaradaha sababo la xiriira qorshe maalgelin

Waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya FIFA iyo qaar ka mid ah xiriirrada kubadda cagta ee qaaradaha, iyadoo dooddu aysan ku koobnayn oo keliya tayada qorshaha maalgelinta cusub, balse ay ku saabsan tahay hufnaanta, sharciyadda iyo habka maamulka.

Wararka ayaa sheegaya in xiriirrada qaaradaha ay walaac ka qabaan sida qorshaha loo fulin doono, maadaama aan weli si cad loo qeexin doorka iyo awoodda maalgeliyeyaasha gaarka ah ee lagu soo darayo mashruuca.

Sidoo kale, waxaa la muujiyay walaac ku saabsan xiriirrada siyaasadeed ee ka dambeeya qorshahan, gaar ahaan magacyada qaar ka mid ah maalgeliyeyaasha iyo bangiyada la sheegay inay ku lug leeyihiin.

Qodob kale oo muran dhaliyay ayaa ah habka sharciyeed ee loo xushay hay’adaha maalgelinaya mashruuca, iyadoo la isweydiinayo sababta shirkado ama maalgeliyeyaal gaar ah loo doorbiday halka kuwo kalena laga reebay.

Xiriirrada qaar ayaa sidoo kale dalbanaya in FIFA ay si cad u sharaxdo sababta ay ugu baahan tahay maalgelin dibadeed, inkastoo ay tahay hay’adda ugu qanisan kubadda cagta adduunka.

Dhanka kale, waxaa isa soo taraya dhaleeceynta loo jeedinayo madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, iyadoo lagu eedeeyay inuu iska indhatiray walaacyada xubnaha qaar, isla markaana ku adkeystay in qorshaha lagu ansixiyo codbixin, xitaa haddii qaar ka mid ah xiriirradu ay diidan yihiin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in UEFA ay dooratay inay ka baxdo geeddi-socodka wada-xaajoodka, tallaabo loo arko inay caqabad weyn ku noqon karto hirgelinta qorshaha maalgelinta ee FIFA.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga