Fermín López oo dib ugu soo laabanaya Barcelona isagoo Murugeysan !

Inkastoo FC Barcelona ay hore u xaqiijisay hanashada horyaalka, haddana Fermín López ma uusan yareysan dadaalkiisa, Kulankii aan wax saameyn ah ku lahayn horyaalka ee ay la ciyaareen Real Betis, Fermín wuxuu u ciyaaray si naf-hurnimo leh, isagoo u dagaallamayay kooxdiisa, La Masia iyo taageerayaasha.

Nasiib darro, dadaalkaas ayaa sababay dhaawac culus oo garoomada ka fogeeyay muddo saddex bilood ah, taasoo ka hor istaagtay inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka.

Dhaawacaas wuxuu ku noqday jug weyn, waxaana la sheegay inuu aad uga murugooday maqnaanshaha tartanka, Si kastaba ha ahaatee, guusha xulka qarankiisu ka gaaray Koobka Adduunka waxaa qayb weyn ku lahaa dadaalkiisii hore, maadaama uu door muhiim ah ka soo qaatay kulamadii isreeb-reebka, isla markaana la filayay inuu safka hore ka mid noqdo haddii uusan dhaawacmin.

Inkastoo uu Koobka Adduunka ka daawanayay bannaanka garoonka, Fermín wuxuu ka qeyb galay ciyaartii kama dambaysta ahayd isagoo taageeraya xulkiisa si buuxda, sida mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda.

Hadda Fermín López ayaa diyaar u ah inuu dib ugu soo laabto Barcelona, iyadoo tababare Hansi Flick uu u arko mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxda. Hadafkiisuna waa inuu kula guuleysto dhammaan tartamada Barcelona xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga