Waa kuma Saxiixa Cusub ee lawareegtay Real madrid Laacib cabsi cabsi ah ?

Kooxda Real Madrid ayaa dhammaystirtay saxiixa weeraryahanka da’da yar ee reer Spain Carlos Espí, kaddib markii ay bixisay lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa ee €25 milyan, sida ay sheegayaan wararka suuqa kala iibsiga.

Real Madrid ayaa caawa si rasmi ah warqad ugu dirtay kooxda Levante, taasoo lagu xaqiijinayo in kooxda ay dhaqan gelisay qodobka lagu fasixi karo ciyaaryahanka.

Carlos Espí ayaa isla markiiba ku biiraya kooxda reer Madrid, waxaana la filayaa inuu maanta ku maro baaritaanka caafimaadka (Medical) magaalada Madrid, ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin saxiixiisa.

Weeraryahankan reer Spain ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha da’da yar ee ugu hibada badan dalka, iyadoo Real Madrid ay doonayso inay ku xoojiso safkeeda mustaqbalka.

Haddii wax walba u dhacaan sidii qorshuhu yahay, Carlos Espí ayaa noqon doona saxiixii ugu dambeeyay ee Real Madrid xagaagan, isagoo rajeynaya inuu tartan adag la galo weeraryahanada kooxda isla marka uu ku biiro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga