DEG DEG Newcastle United oo Heshiis La Gaartay Tababaraha Cusub waana …………………

Kooxda Newcastle United ayaa si weyn ugu dhaw inay magacowdo tababare cusub, kaddib markii ay heshiis afka ah la gaartay tababaraha reer Jarmal ee Matthias Jaissle, sida ay sheegayaan wararka suuqa kala iibsiga.

Heshiiska la isku afgartay ayaa socon doona ilaa Juun 2030, waxaana la filayaa in si rasmi ah loo saxiixo maalmaha soo socda.

Jaissle ayaa haatan ah tababaraha kooxda Al Ahli ee Sacuudiga, balse maamulka kooxdaas ayaa lagu wargeliyay inuu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Newcastle si uu u bilaabo waayihiisa cusub ee horyaalka Ingiriiska.

Maamulka Newcastle ayaa muddooyinkii dambe raadinayay tababare cusub, waxaana Matthias Jaissle uu noqday dookhoodii koowaad, iyadoo wada-hadalladii labada dhinac ay ku dhammaadeen is-afgarad buuxa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga