Kooxda Chelsea ayaa heshiis rasmi ah la gaartay Brighton & Hove Albion si ay ula soo saxiixato weeraryahanka reer England Danny Welbeck.
Welbeck ayaa sidoo kale oggolaaday heshiis uu Stamford Bridge ku sii joogi doono illaa xagaaga 2028, iyadoo baaritaanka caafimaadka (medical) uu noqon doono tallaabada xigta ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin heshiiska.

Brighton ayaa aqbashay codsiga Welbeck ee ahaa inuu kooxda ka tago, kaddib markii ciyaaryahanku uu si rasmi ah u dalbaday in loo oggolaado inuu u wareego Chelsea.
Dhanka kale, Chelsea ma joogsanayso xoojinta kooxdeeda ilaa ay qaataan saxiixyo kale , waxaana la filayaa in kabtankii hore ee xulka England Jordan Henderson uu noqdo saxiixa xiga ee kooxda, iyadoo heshiiskiisa la filayo in la soo gabagabeeyo dhawaan.
Be the first to comment