FADEEXAD WEYN UEFA oo si kulul uga hortimid qorshaha FIFA ee iibinta saamiga Koobka Adduunka

Ururka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) ayaa si adag u cambaareeyay qorshe la sheegay inuu wado Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), kaas oo lagu doonayo in qayb ka mid ah xuquuqda ganacsi ee Koobka Adduunka laga iibiyo maalgashadeyaal gaar loo leeyahay.

Warbixinnada ayaa sheegaya in madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, uu ka fiirsanayo in la sameeyo shirkad cusub oo maamusha dhinacyada ganacsiga iyo tartamada FIFA, iyadoo heshiiska lagu qiyaasay inuu gaari karo £15 bilyan.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in Infantino uu noqon karo madaxa shirkaddan marka uu dhammaado xilkiisa FIFA sannadka 2031, xil la rumeysan yahay inuu u horseedi karo dakhli ka badan $50 milyan sanadkii.

Qorshahan ayaa waxaa maamulaya bangiga JPMorgan, waxaana la sheegay in maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump lagala tashaday arrinta.

UEFA ayaa war-saxaafadeed adag ku sheegtay in qorshahan uu yahay mid ka gudbay xuduudihii la aqbali lahaa.

“Kubadda cagtu ma aha hanti la iibsan karo ama la kala iibsan karo. FIFA ma laha kubadda cagta si ay u iibiso,” ayay UEFA ku tiri bayaankeeda.

Ururku wuxuu intaas ku daray in arrintan ay tahay mid ay tahay in ay si dhab ah u eegaan dhammaan xiriirrada kubadda cagta, horyaallada, kooxaha, ciyaartoyda, taageerayaasha iyo dowladaha, maadaama ay saameyn ku yeelan karto mustaqbalka ciyaarta.

Madaxweynihii hore ee FIFA, Sepp Blatter, ayaa isna si adag u dhaleeceeyay qorshahan, isagoo sheegay in xiriirka dhow ee u dhexeeya Gianni Infantino iyo Donald Trump uu gaaray heer dhaqaale oo dhaawacaya sumcadda kubadda cagta.

Dhanka kale, siyaasiyiin iyo madax kale ayaa iyaguna ka horyimid qorshaha, iyagoo ku dooday in Koobka Adduunka uusan ahayn badeeco ganacsi, balse uu yahay tartanka ugu weyn kubadda cagta oo ay leeyihiin taageerayaasha.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in haddii qorshahan la meel mariyo, ay suuragal noqon karto in wax laga beddelo jadwalka kubadda cagta caalamka, sida in Koobka Adduunka ragga iyo haweenka la balaariyo ama la qabto waqtiyo ka dhow afar sano kasta, iyadoo sidoo kale isbeddello lagu sameyn karo Koobka Adduunka ee Naadiyada.

Dhanka FIFA, hay’addu waxay xaqiijisay inay qorsheyneyso dhismaha shirkad cusub oo lagu magacaabo FIFA Forward Enterprise, balse waxay sheegtay inay sii haysan doonto maamulka buuxa ee sharciyada kubadda cagta, tartamada iyo jadwalka ciyaaraha, iyadoo ku doodday in qorshuhu uu kordhin doono dhaqaalaha la siiyo 211-ka xiriir ee xubnaha ka ah FIFA.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga