WAR CULUS :- Liverpool dharbaaxo Culus isku mar kudhufaneysa Arsenal & PSG Lana wareegeysa ….

Liverpool ayaa tan iyo bishii Abriil hoggaamineysay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Bradley Barcola, iyadoo kooxda reer Merseyside ay weli si firfircoon uga shaqeyneyso sidii ay u dhammaystiri lahayd heshiiska.

Wararka ayaa sheegaya in Barcola uu u furan yahay ku biirista Liverpool, isla markaana uu mudnaanta siinayo mashruuca kooxda ee Anfield haddii labada kooxood ay heshiis ka gaaraan qiimaha iyo shuruudaha kala iibsiga.

Liverpool ayaa hadda sugaysa jawaabta Paris Saint-Germain ee ku aaddan qiimaha ay ku iibin karto ciyaaryahanka iyo faahfaahinta heshiiska. Marka PSG ay caddeyso mowqifkeeda, Liverpool ayaa la filayaa inay dardar geliso wada-hadallada si ay isugu daydo inay soo afjarto mid ka mid ah saxiixyada ugu waaweyn ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga