Barcelona oo dubatay Kooxda al ahly kuna guuleysatay koobkii 1-aad ee xili ciyaareedka cusub

Barcelona ayaa guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Masar ee Al Ahly, kulan ka tirsanaa Koobka Joan Gamper oo lagu ciyaaray Camp Nou, iyadoo Barça ay sidaas ku qaaday koobka xilli-ciyaareedka cusub.

Barcelona ayaa ciyaarta si xooggan ku bilaabatay, waxaana goolka koowaad u dhaliyay Hamza Abdelkarim, oo hore uga tirsanaa Al Ahly, isagoo fursad fiican ka faa’iideystay,  Raphinha ayaa qeybtii hore rigoore u beddelay goolka labaad, taasoo Barcelona siisay hoggaan 2-0 ah.

Qeybtii labaad, Al Ahly ayaa dagaalka kusoo laabatay, waxaana Ahmed Sayed Zizo uu dhaliyay goolka ay ku yareeyeen farqiga, ciyaartana ka dhigay 2-1.

Al Ahly ayaa isku dayday inay hesho goolka barbaraha, halka Barcelona ay sidoo kale heshay fursad ay ku dhalin karto goolkeeda saddexaad. Daqiiqadihii ugu dambeeyay, goolhaye Mohamed El Shenawy ayaa sameeyay badbaadinno muhiim ah, waxaana uu xitaa rigoore ka qabtay Anthony Gordon.

Ugu dambeyn, Barcelona 2-1 Al Ahly, Barça ayaana ku guuleysatay Koobka Joan Gamper, iyadoo kulankan uu ahaa tijaabadii ugu dambeysay ee kooxdu sameyso ka hor inta uusan si rasmi ah u bilaaban xilli-ciyaareedka 2026/27.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga