Owen ayaa sheegay in Arsenal aysan xitaa u baahnayn inay sameyso isbeddel weyn si ay ugu guuleysato horyaalka, Sida uu qabo, haddii kooxda waqooyiga London ay si fudud u sii waddo heerkii ay ku ciyaaraysay ee xili ciyaareedkii hore , waxay mar kale qaadi kartaa koobka.
“Arsenal waxa keliya ee ay u baahan tahay waa inay halkii ay joogtay ku sii nagaato, markaas waxay mar kale ku guuleysanaysaa Premier League,” ayuu yiri Owen.
Michael Owen wuxuu sidoo kale sheegay inuusan arkin koox kale oo si weyn uga dhex bixi karta kooxaha tartamaya oo gaari karta 85 dhibcood, taas oo uu u arko inay noqon karto heerka muhiimka ah ee tartanka horyaalka.
“Ma arko koox si lama filaan ah uga soo dhex bixi karta kooxaha kale oo gaari karta 85 dhibcood,” ayuu yiri.
Tani waxay muujinaysaa in Owen uu aaminsan yahay in tartanka Premier League uu noqon doono mid adag, balse Arsenal ay leedahay joogteyn ka sarreysa kooxo badan.l
Mid ka mid ah sababaha uu Owen ugu saadaalinayo Arsenal ayaa ah xasilloonida kooxda, gaar ahaan dhinaca difaaca.
Wuxuu tilmaamay in Arsenal ay leedahay goolhaye wanaagsan iyo difaac adag, taas oo ka caawin karta kooxda inay si joogto ah dhibco uga urursato kulamada horyaalka.
“Waa koox aad u joogto badan, waxayna leeyihiin goolhaye iyo difaac aad u wanaagsan. Anigu ma arko sabab ay wax walba ugu burburi karaan,” ayuu yiri Owen.
Tani waa saadaalinta feker Owen laacibkii hore ee Liverpool, Manchester united & xulka qaranka ingriiska .
Be the first to comment