João Cancelo ayaa bixiyay hadal si weyn u muujinaya sida uu u doonayay inuu dib ugu laabto Barcelona, Daafaca reer Portugal ayaa sheegay in uu Deco si cad ugu sheegay in haddii uusan Barça ku biirin, uu diyaar u ahaa inuu hal sano Al-Hilal ku qaato isagoo aan ciyaarin, xitaa isagoo weli qaadanaya mushaharkiisa.
Cancelo wuxuu yiri: “Deco wuu ogaa in labo doorasho ay ii furnaayeen: inaan halkan imaado, ama inaan hal sano ciyaar la’aan ahaado anigoo weli mushaharkayga qaadanaya.”
Wuxuu intaas ku daray in uu xitaa qayb ka mid ah mushaharkiisa ka tanaasulay si heshiiska Barcelona u suurtogalo.
“Barça ama waxba” , Cancelo fariintiisu waxay ahayd mid aad u cad: “Waxay ahayd Barça ama waxba.”
32-jirkan ayaa hadda ku soo laabtay Barcelona markii saddexaad, isagoo ka tagay Al-Hilal, waxaana uu heshiis cusub oo Barcelona ah ku gaaray isagoo xor ah, Waxaa la filayaa inuu saxiixo heshiis saddex sano ah.
Waxa ugu weyn ee hadalkan ka muuqda waa in Cancelo uu lacag iyo ciyaar joogto ahba diyaar u ahaa inuu u huro si uu Barça ugu soo laabto, Taasi waxay muujinaysaa sida uu mudnaanta u siinayay Barcelona xilli ay kooxdu isku diyaarinayso xilli ciyaareedka 2026/27.
Be the first to comment