Saxiixii Liverpool ay doonayey oo Manchester United afduubaneyso …………..

Liverpool ayaa horey u muujiyay xiisaha ay u qabto Mbaye, laakiin wararka ayaa sheegaya inay dib uga laabatay tartanka kaddib markii ay ogaatay qiimaha sare ee PSG ku dooneyso ciyaaryahanka,  FourFourTwo ayaa sidoo kale xustay in Liverpool ay ka niyad jabtay qiimaha guud ee labada xiddig ee PSG, Mbaye iyo Bradley Barcola.

Manchester United ayaa Mbaye u aragta ciyaaryahan mustaqbalka wax weyn ku kordhin kara garabka midig, iyadoo kooxda ay dooneyso inay tartan dhab ah ka abuuro Amad Diallo, 18-jirkan ayaa sidoo kale awood u leh inuu ciyaaro dhowr boos oo weerar ah, taasoo ka dhigaysa mid soo jiidasho gaar ah u leh qorshaha Michael Carrick.

Mbaye ayaa horey u muujiyay kartidiisa heerka koowaad, Wuxuu PSG u saftay kulankiisii ugu horreeyay ee Ligue 1 isagoo 16 sano, 6 bilood iyo 23 maalmood jir ah, taasoo ka dhigtay ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee taariikhda PSG ku soo bilowda kulan rasmi ah.

PSG ayaa sidoo kale si rasmi ah u xaqiijisay inuu yahay ciyaaryahan degdeg badan, awood badan isla markaana dhowr boos ka ciyaari kara.

Mbaye ayaa xilli-ciyaareedkii ugu dambeeyay si tartiib ah uga mid noqday kooxda koowaad ee PSG, waxaana uu saftay 41 kulan oo heerka sare ah, sida ay sheegteen warbixinno la xiriira xiisaha kooxaha.

Waxa kale oo uu si fiican uga soo muuqday ciyaar saaxiibtinimo oo ay PSG la ciyaartay Manchester United, taasoo ku dhammaatay 1-1, waxaana bandhiggiisa uu sii xoojiyay xiisaha kooxda reer England.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga