Yan Diomande ayaa go’aansaday inuusan ku biirin Liverpool xagaagan, inkastoo kooxda reer England ay si weyn u danaynaysay saxiixiisa.
Liverpool ayaa mudnaanta siisay inay hesho beddelka weeraryahankeedii reer Masar Mohamed Salah, kaas oo ka tagay kooxda kadib sagaal sano oo guulo badan iyo koobab lagu guuleystay. Intii uu joogay Anfield, Salah wuxuu dhaliyay 257 gool wuxuuna bixiyay 123 caawin.
Diomande wuxuu ka mid ahaa bartilmaameedyada ugu waaweyn ee Liverpool, waxaana la filayay inuu u wareego Anfield haddii RB Leipzig aqbalaan dalabka Liverpool.
Diomande wuxuu doortay PSG
Saxafiga lagu kalsoon yahay David Ornstein ayaa sheegay in xiddiga reer Ivory Coast uu mudnaanta siinayo inuu ku biiro Paris Saint-Germain.
Sida Ornstein sheegay, waxaa jira saddex sababood oo waaweyn oo Diomande u doortay PSG:
Wuxuu doonayaa inuu la shaqeeyo tababare Luis Enrique.
Wuxuu rumeysan yahay in PSG ay siin karto fursad joogto ah oo uu koobab ku guuleysto.
Wuxuu aaminsan yahay in PSG ay tahay kooxda ugu habboon ee ka caawin karta inuu mustaqbalka ku guuleysto Ballon d’Or.
Liverpool waxay diyaar u ahayd inay bixiso €100 milyan (£86.8 milyan), balse taas waxay ka hooseysay qiimaha ay Leipzig ku dooneyso oo ah €130 milyan (£112.1 milyan). Lama oga weli in PSG ay diyaar u noqon doonto bixinta lacagtaas
Be the first to comment