BARCELONA & ATHLETICO oo ku loolamaya saxiix difaac oo culus waa Kuma ?

Atlético Madrid ayaa dhawaan u gudbin doonta Tottenham dalab cusub oo ay ku doonayso daafaca reer Argentina Cristian “Cuti” Romero, iyadoo kooxda reer Spain ay dooneyso inay heshiiska si degdeg ah u dhamaystirto.

Atlético waxay hadda sugaysaa in la soo gabagabeeyo bixitaanka Nahuel Molina iyo Thiago Almada, iyadoo sidoo kale la filayo in Cristian “Ruggeri” uu raaco.

Marka heshiisyada bixitaankaas la dhammeeyo, Atlético ayaa si rasmi ah u gudbin doonta dalabkeeda Romero, geesta kale kadib markii xalay kabaxay Barcelona safkeeda Araujo waxa maamulka ay doonayaan iney ku badalaan Romero laacibka spurs.

Atlético waxay doonaysaa inay heshiiska si dhaqso ah u xirto, iyadoo isku dayaysa inay ka hortagto kooxo kale oo kusoo dhex boodaya tartanka saxiixa Romero.

Dhanka ciyaaryahanka, wada-hadalladu wali way socdaan, iyadoo Atlético ay sidoo kale xiriir la leedahay dhinaca Romero si ay uga shaqeyso shuruudaha shaqsiga ah.

🔥 Sidaas darteed, Atlético Madrid ayaa hadda dadaal weyn ugu jirta inay Cuti Romero ka dhigto saxiixeeda cusub, iyadoo €40 milyan ay noqon karto dalabkii ay ku doonayso inay ku soo afjarto tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga