WARBIXIN: 7 Sabab Oo Ay Arsenal U Badashay Taariikhda Premier League Kadib Ku Guulaysigii Horyaalka.

Ugu dambayn waxa aan odhan karnaa Arsenal waa guulaystayaasha horyaalka premier League mar kale.

Muddo dheer ayaa la sugayay waliba muddo 22 sano ah hadii aan si cad u sheegno.

Arsenal ayaa wajahday hoos u dhac Iyo waliba kor u kac muddadaas iyada oo aad uGu dhawaaday sanadihii ugu dambeeyay.

Laakiin ugu dambayn way dhacday in ay mar kale kor u qaadaan koobka horyaalka premier League.

Hadaba warbixintan waxa aan ku eegi doonaa sawirka weyn, maxay guushan uga dhigantahay Arsenal Iyo inta kale ee horyaalka waana su’aalaha aynu kaga jawaabi doono warbixintan.

Halkan warbixnta kaga bogo sababaha ay Arsenal u badashay Mustaqbalka Premier League.

  • Arsenal ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay Premier League kadib 22 sano oo sugitaan ah, taas oo ka qaaday cadaadis weyn ciyaartoyda iyo taageerayaasha.

 

  • Tani waxa au noqon kartaa bilow  cusub oo Arsenal ah, gaar ahaan iyadoo Pep Guardiola la filayo inuu ka tago horyaalka dhawaan.

 

  • Guushan waxay Arsenal siinaysaa kalsooni weyn kahor finalka UEFA Champions League ee ay la ciyaarayaan Paris Saint-Germain FC magaalada Budapest.

 

  • sidoo kale  — difaac adag, awood jireed, iyo ka faa’iidaysiga kubbadaha karooska ah waxa ay saameyn ku yeelan kara kooxaha kale ee England, kuwaas oo laga yaabo inay ku daydaan.

 

  • sidoo kale  kooxaha kale ayaa hadda si dhow u baran doonaan xeeladaha Mikel Arteta, taasoo ka dhigaysa difaacashada horyaalka mid aad u adag.

 

  • Guushan waxay sidoo kale sare u qaadaysaa awoodda Arsenal ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, iyadoo lala xiriirinayo ciyaartoy waaweyn sida Julián Álvarez iyo Khvicha Kvaratskhelia.

 

  • Ugu dambeyn,  ciyaartoyda Arsenal sida Bukayo Saka, William Saliba, Gabriel Magalhães, iyo Declan Rice ay hadda heli doonaan ixtiraam dheeraad ah maadaama ay noqdeen horyaal ku guuleystayaal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga