Alan Shearer Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo Arsenal Ka Caawiyay Ku Guulaysiga Premier League.

Weeraryahankii hore ee Newcastle United FC, Alan Shearer, ayaa magacaabay saddex ciyaaryahan oo uu ku tilmaamay “kuwa ugu fiicnaa” ee ka caawiyay Arsenal FC inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Waxaa la xusuustaa in Arsenal si rasmi ah loogu dhawaaqay kooxda ku guuleysatay Premier League 2025/26 kadib markii Manchester City FC ay ku guuldarreysatay inay garaacdo AFC Bournemouth Talaadadii.

Isagoo ka hadlayay podcast-ka The Rest is Football, Shearer wuxuu yiri:

“Waxay ahaayeen kooxda ugu fiican uguna joogtada badan.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Waxaan u maleynayaa saddexda ciyaaryahan ee ugu muuqday Arsenal inay yihiin David Raya, Gabriel Magalhaes iyo Declan Rice.

“Waxaan u arkaa in saddexdaas ay toddobaad walba muujiyeen heer sare, iyagoo soo bandhigayay ciyaaro waaweyn marka xaaladdu adkaato.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga